WARBIXIN: Sigaar Lagu Xayaysiiyey Boodhadhka Magaalada Hargeysa iyo Mawqifka Xukuumadda -Wariye Kuraase.

 

 

Hargeysa(SLpost)- Xayaysiinta iyo suuqgeynta sigaarku waxay ka soo horjeedaa shuruucda caalamiga oo dhigaya in aad la xayaysiin Karin sigaarka maadaama oo uu halis ku yahay caafimaadka qofka.

Meelo ka mid magaalada Hargeysa, sida dayrka dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir, wajahadda Wasaaradda waxbarashada iyo goobo kale ayaa waxa ku dhagan boodhadh lagu xayaysiinayo sigaar magiciisu yahay M1. Walaw ay xagga hoose ee baakidhka boodhadhkaa ku sawiran ku qoran tahay “Tubaakadu aad bay u waxyeelaysaa caafimaadka” haddana waxa ku xardhan erayo lagu xayaysiinayo oo ay ka mid ah “Mid la mid ahi Ma jirto”

Maxamed Axmed Muuse “Kuraase”, suxufiga warbixintan diyaariyey oo ka tirsan telefishanka Horn Cable TV ayaa wax ka waydiiyey agaasimaha wasaaradda caafimaadka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare waxaanna ay labadooduba sheegeen in ay mamnuuc tahay in sigaar lagu xayaysiiyo waddanka gudihiisa iyo caalamkaba, iyaga oo balanqaaday in ay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan oo deg deg ah.

“Laba arrimood mid uun baa jira. In uu dayac jiro ayaa dhici karta oo aan lagu wargelin in waxani mamnuuc ama waxa dhici karta in cid sharciga jabinaysa tahay oo ay og yihiin shuruucda dalka taala.  Sigaarku meel walba mamnuuc buu ka yahay dunida in la xayaysiiyo iyo in goobaha shaqada lagu cabo. Wasaarad ahaan annaga oo adeegsanayna shuruucda ka taala dalka, waxaan uga digaynaa ganacsatada iyo shirkadaha xayaysiiska qoro in ay dambi tahay in sigaar la xayaysiiyo” ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda caafimaadka JSL.

 

Sidoo kale wasiir-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa isaguna sheegay in ay mamnuuc tahay xayaysiinta sigaarku islamarkaana waxa uu sheegay in goobaha waxbarashada ee wasaaraddu maamusho si deg deg ah looga jari doono.

 

Halkan Hoose ka Daawo Warbixinta Wariye Kuraase – HCTV

https://youtu.be/Wv4mTjYzXGE