Warbixin:-Saddex muwaadin oo ku xidhan jeel ku yaala dalka eriteriya muddo afar sano +Hadh iyo Habeena Jidhdil Joogta Ah laagu hayo

Sadexdan muwaadin ee u dhashay dalka Somaliland ooKu xidhnaa muddo ka badan afar sano jeel ku yaala xeebta musawac ee  wadanka eriteriya. 3dan muwaadan waxaa gacanta ku haya ciidamada ilaalada xeebaha wadankaas ee loo yaqaano (Xiilul baxri) .

nimankan oo mid kamid ahi ahaa ganacsade halka labada kale ay ahaayeen qaxoonti ku jira xero loo yaqaan (UMKUL)  oo  hoostimaada hayada qaramada midoobday u qaabilsan qaxoontiga UNHCR. hadabada muwaadiniinta oo qaba jidhdil joogta ah, caafimaad daro .silic ,dayac iyo darxumo.nimankan ilaa hada maxkamad lama soo taagin  denbi ay galeen oo loo sheegay ay galena majiro.

 sadexdan muwaadin  magacyadooda ,degaamada ay ka soo jeedaan iyo beelahay yihiin.

 

1.Axmed Xasan faarax wuxuu u dhashay gobolka sanaag (habarjeclo Muuse abokor.)

2.Kayse maxamed ramadaan wuxuu u dhashay Bali Gubadle (Arab Reer Axmed Cabdulle).

3.Faarax Aadan Axmed oo lagu naanayso (Faarax Ilkacase ) u dhashay degaanka Qorilugud Kamid ahaan jiray Mujaahidiintii SMN. (Habar jeclo .Maxamed abokor/Soola madaw)

  

Hadabad sadexdan  nin oo la lawaaayay meel ay raq ruux ku danbeeeyen mudo afar sano ah ayaa waxa u suuro gashay inay ka  helaan xogtan qoyska axamed xasan faarax nin reer somaliland ah oo joogay eriteriya hadana jooga wadanka Canada.

 

ugu danbayntii waxaanu ka codsanay dhamaan shacabka reer Somaliland dal iyo debadba cidii wax ka qaban karaysaa tale iyo tusaaleba inay la soo xidhiidhaan lambaradan hoos ku qoran.

 

Sidoo kale waxay ka Codsanayaan qoyska axmed xasan faarax inay qoysaskii ay ka soo jeedeen labadan Muwaadin ee Kale ay kala  soo xidhiidhaan lambaradan,si loosoo furdaamin lahaa ragan muwaadiniinta ah.

 

4200414(Telesom)

4202074(Telesom)

9400435 (Somtel)

ibraahim_02@hotmail.com

Yaasiin1421@hotmail.com