Warbixin Muujisay Caqabadaha Haysta Qorshaha Qaran Ee Horumarinta Somaliland

Warbixin cusub oo la soo saaray, ayaa muujisay, isla markaana soo bandhigtay caqabaha kala duwan ee haysta qorshaha heer qaran ee loo dejiyey horumarinta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.Somaliland

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay ‘Somaliland: Horumarin bilaa dollar ah’ (Somaliland: a Development without dollars) oo lagu baahiyey mareegta The African Report, waxa lagu sheegay in waqti yar ka hadhsan yahay dhammaadka qorshaha loo dejiyey horumarka Somaliland oo ah 2012 ilaa 2016 ay jiraan caqabado muujinaya in aan si buuxda loo hirgelin karin haddii aan la helin dhaqaalaha loogu talogalay wax-ka-qabashada qabto horumarkaas.

“Iyadoo la wajahay in qaadhaan-bixiyeyaashu ka cago-jiideen inay bixiyaan dhaqaalaha loogu talogalay qorshaha Heer Qaran ee Horumarinta Somaliland ee NDP (National Development Plan), waxa dawladda Somaliland raadinaysaa dariiqyo kale oo ay uga wareegto sidii ay u xoojin lahayd dhaqaalaha, iyadoo loo dhow yahay xilliga kama dambaysta ee loo qabtay hirgelinta qorshahaas oo jawadwalkiisu yahay 2012 ilaa 2016,” ayaa lagu yidhi warbixinta The African Report oo Jamhuuriya soo xigtay.

Waxa kaloo warbixintu iftiimisay walaaca caqabadaha hortaagan hirgelinta qorshaha horumarinta Somaliland, “Waxyaabaha walaaca ah waxa ugu muhiimsan in sida Baanka Adduunku sheegay Somaliland waa dalka afraad ee dhinaca wax-soo-saarka gudaha ugu hooseeya adduunka oo dhan “fourth-lowest gross domestic product per capita in the world.)

Sidoo kale, Somaliland waxay go’doon kaga jirtaa nidaamka caalamiga ah, waayo ma aha dal loo aqoonsan yahay inuu yahay waddan madaxbannaan, sidaas darteed wax dhaqaale toos ah ma helaan, waxayna si xooggan ugu tiirsan yihiin qurba-joogga oo lacag gaadhaysa ilaa $400 milyan oo dollar u dira sannad kasta.”

Sidoo kale, waxa warbixinta lagu sheegay in lacagta guud ee loo dejisay in lagu hirgeliyo qorshaha qaran ee horumarinta Somaliland dhan yahay $1.2 bilyan oo dollar, iyadoo oo la qoondeeyey in qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka laga helo $980 milyan oo dollar oo ka mid ah dhaqaalaha guud ee ku baxaya meel-marinta qorshahaas, balse aanay qaadhaan-bixiyeyaashu illaa hadda bixin wax u dhow lacagta laga doonayo, taasina tahay caqabad kale oo soo wajahaysa Somaliland.

Qorshaha heer qaran ee horumarinta Somaliland waxa uu ka kooban yahay shan tiir oo kala ah; horumarinta dhaqaalaha, dhismahayaasha kaabayaasha dhaqaalaaha, kobcinta maamulka, arrimaha bulshada iyo deegaanka.

“Waxa dawladdu u qorshaysay horumarinta dhaqaalaha Somaliland oo keliya lacag gaadhaysa $175 milyan oo dollar, waxaannu qorshaha qaran ee horumarinta (NDP) dariiq u jeexayaa ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan ee dhulka ku hoos jira (agriculture). Waxa kaloo qorshahani dhiirrigelinayaa kobcinta wax-soo-saarka warshadaha, ganacsiga, dalxiiska iyo macdan-qodista, iyadoo sidoo kale lacag dhan $487 milyan oo dollar inta badan lagu bixin doono tiirka horumarinta ee la xidhiidha kaabayaasha dhaqaalaha,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Source: Jamhuuriya