WARBIXIN laga diyaariyey Tacaddiyadii, Caga-jugleyntii iyo Xayiraadihii lagula Kacay Xoriyatul-Qawlka Somaliland LIxdii Bilood ee Sannadkan

Xoghayaha SOLJA
Xoghayaha SOLJA

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa war-bixin ka diyaariyey tacaddiyada iyo xad-gudubyada sharci ee lixdii Bilood ee u dambeeyey loo geystay Warbaahinta Madaxa-bannaan ee dalka iyo Xoriyatul-Qawlka.

Warbixintan oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa u qorneyd sidan:

 

ARAAR:

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA una taagan ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta Somaliland iyo tayaynta, sidoo kalena ah Urarka keliya ee Saxaafaddu leedahay ee sifo sharci ah lagu aasaasay, isla markaana ay ku mideysan yihiin inta ugu badan hay’adaha Warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta ka hawlgasha.

Dhanka kale, Ururka SOLJA waxa xubinimo buuxda ka haysta ku dhawaad 300 Suxufi oo isugu jira rag iyo dumar, isla markaana ka hawlgala gobolada iyo dagmooyinka dalka , SOLJA iyagoo kaashanaya Ururada xuquuqal insaanka iyo kuwa u ololeeya xoriyada saxaafada iyo xoriyatal qowlkaba, waxa uu xil-weyn iska saaray sidii Somaliland u noqon lahayd dal uu ka jiro jewi ku haboon Saxafadda iyo Suxufiyiintu-ba.

Haddaba marka indho-fayo qaba lagu eego xaalada cabudhida, cagajuglaynta, iyo xadhiga saxafadda Somaliland iyo sidoo kale dhaqdhaqaaq iyo hab-dhaqano cusub oo ugub ku ah Somaliland ,kuwaasoo sida ururku xogo ku helay lagu damacsanyahay in hayadaha warbaahinta iyo Suxufiyiinta lagu kala qaybqaybiyo ,isla markaana la abuuro saxaafad  saaxad ka baxsan hanaanka dimuqraadiyada ,taasoo hadii ay u suurto gasho xubnaha ku hawlan in bulshadu waydo xog sugan oo ay ku go,aan qaataan iyo mid ay rayigooda ku cabiraan.

Sidaa awgeed waxaanu ka codsanynaa m/weynaha jamuuriyada Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo inuu ilaaliyo xoriyatal qawlka ,  kana taxadiro in warnbaahinta iyo isaga u dhaxeeyaan dad dano gaara uga faaiidaysanaya

Geesta kale waxa uu ururuka Suxufiyiinta Somaliland ee solja baaq u dirayaa wadamada deeq bixiyayaasha iyo ururada caalamiga ah ee saxaafada iyo kuwa xoruyatul qawlka daneeya ,kuwa xuquuqal insaanka inay arimahan wax ka qabtaan oo si toosa iyo si dadbanba ula socdaan dhaqdhaqaaqyada isa soo taraya ee ka socda Somaliland inta ay wax ka qabashada leedahay .Anagoo uga digayna ururadaa iyo hayadahaas inay ku amba baraan xili ay wax waliba faraha ka baxeen

muuqata in sanadba sanadka kale kasii kordhayo inta ay xukumada ahmed maxamed maxud silaanyo talada dalka gacanta ku dhigtay, SOLJA oo in farabadan shirar iyo kulana ay arintaa ku lafa gurayso qabatay ayaa waxa kazoo baxay in ay xukumadu masuul ka tahay burburinta xoriyatal qowlka Somaliland.

Halkan waxaanu  kusoo gudbinaynaa qoraalka iyo warbixin uu ururuku kusoo bandhigayo tacadiya hayadaha warbaahinta,Suxufiyiinta iyo muwaadiniinta rayigooda cabirey ee xadhiga iyo tacadiga loo gaystay mudadii u dhaxaysay  JAN-JULLY -2013. ,iyagoo faahfaahsana waa sidan:

    Cabaara  9:30 subaxnimo ayaa  waxaa la xidhay weriye C/fataax Ismaaciil Caarshe oo ka tirsan wargayska madaxa banaan ee ogaal  ka dib markii uu waraysi iyo sawiro ka qaaday abwaano iyo fanaaniin ka cabanaya wasaarada warfaafinta iyo m/waynaha oo ka saaray xafiiskoodii

waxaana lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa  waxaana lasoo daayay 3 saacadood ka dib markii ay fanaaniintii ka tagi waayeen saldhiga hortiisiii

 

C/fataax ismail Caarshe

10,February,2013 Maxamed Cadilaahi Qonbor weriye madaxbanaan ah  waxaa lagu xidhay saldhiga dagmada tog wajaale oo loo xidhay war uu shalay baahiyay  waraysigaasi oo uu la yeeshay taliyaha sir doon ka  dagmada tog wajaale  mr jaamac boorama kaasi oo ku saab sanaa askar ka tirsan booliska somaliland ee ka hawl gala kastamka wajaale oo utalabay dhinaca Ethopia hahlkasi oo ay ugaleen milatariga Ethiopia oo dhaawac ka soo gaadhay 2 kamida askarta gaadhigiina lagala hadhay markii uu milatariga Ethiopia uu ka shikiyay hadaba taliyaha sir doonka mr jamac boorama  

Maxamed Cadilaahi Qonbor

 

01 march,2013 12:00 am kii duhurmino waxaa magaalada caynabo lagu xidhay  maxamed aadan dirir oo ka tirsan televationka Somali chanel  taas oo lagu eedeeyay in uu jeelka xoog ku galay oo uu waraysi ka qaaday dad maxaabiisa  taas oo amarka xadhigiisa bixiyay taliyaha qaybta boliska

Arintaas oo solja kala hadashay inaanay macquul ahayn in weriye aan hub sidani aanu xoog ku gali Karin jeel ay askar hubaysani ilaalinayso

Intaa kadib waxaa weriyahaasi dib xoraydiisii loogu soo celiyay oo lasoo daayay 11,march,2013

Dhinaca kale weriye maxamed aadan dirir oo sanadkii horena laba jeer lagu xidhay caynabo ayaa niman bilaysi ugu  hanjabeen inaanu war danbe caynaba ka diri Karin sidaa daraadeed wuxuu usoo wareegay markii ay naftiisii halis gashay magaalada bali gubadle oo warka uga soo diro televationka Somali chanel sida uu ii cadeeyay 3,july mar aan kula kulmay magaalada Hargaysa.

 

maxamed aadan dirir

18,march,2013 Waxaa lagu xidhay magaalada badhan weriye C/naasir khaalid Siciid oo ah weriyaha magaalda ceerigaabo uga soo warama tv-ga Somali chanel taas oo xadhigiisa uu ka danbeeyay badhasabka gobolka badhan

Maxamuud saalax ciyoon  waxaana la hadlay badhassabka ururka solja oo uu ka ogolaaday cabaara 11-kii habeenimo oo weriyahaa xabsigii laga sii daayay

 

C/naasir khaalid Siciid

28,march 2013 Waxaa la xidhay 9-kii subaxnimo weriye khadar maxamed xasan oo ka tirsan televation-ka somalisat ka dib markii ay ka cadhootay war uu sii daayay hayada ayoda oo awood badan ku leh gobolka awdal waxaana lasoo daayay maalintii danbe.  

khadar maxamed xasan

4,April,2013 Waxaa magaalada Boorame lagu xidhay markii labaad weriye Khaddar Maxamed Xasan oo hadana ay xadhigiisa mar labaad amartay hayada ayoda

Waxaana lasoo daayay malintii labaad ee 5/4/2013

 

khadar maxamed xasan

08/4/2013 Waxaa magaalada Berbera lagu xidhay weriye Yaasiin Jaamac Cali oo ka tirsan ugana soo warama gobolka saaxil  tv-ga universal iyo website-ka hadhwanaag  ka dib markii lagu eedeeyay war shir jaraaid ah oo ay qabteen odayaal iyo xilibaano golaha deegaanka berbera ka tirsan oo ka cabanayay wershada sibidhka ee m/wayne siilaanyo uu usoo qoray mulkiilaha dahabshiil maxamed siciid ducaale

Warkaas oo laga sii daayay televationka universal taas oo xadhiga weriyaha uu amray badhasaabka gobolka saaxil cali afdheer halka uu isagana amray in lasoo qabto weriyaha tv-ga Somali chanel uga warama gobolka saaxil maxamed c/laahi soo fadhiiste  oo isagu dhuumasho kaga baxay berbera oo aan

Isaga la qaban waxaana weriye yaasiin lasii daayay labo cisho kadib 10/4/2013

 

 

Yaasiin Jaamac Cali

April, 9, 2013 Waxaa xabsiga Gabiley  loo taxaabay weriye C/kariin Muxumed Cade  oo wargayska Hubaal uga soo warama Magaalada Gabilay amarka xadhigiisana waxaa bixiyay Maayarka Gabilay Mr. Shucayb Maxamed Muuse oo ka cadhooday war lagu baahiyay wargayskaa waxaana weriyahaa xoriyadiisii dib loogu soo celiyay 6 maalmood ka dib 15.4,2013

Ka dib markii ururka SOLJA xoog ku saaray Maayarka oo dalbaday in odayaashiisii u keeno weriyuhu taas oo dhaqanka dawladan kulmiye dhawr jeer oo hore weiyayaal shuruud uga dhigeen.

 

 

 

C/kariin Muxumed Cade

April.13.2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay xarunta C.I.D-da  inta ay askarta (RRU)-du garaacday sadex weriye oo ka tirsan TV-ga Horn Cable  oo lagu magacaabo

1. Mukhtaar Mursal Maxamuud (Xiin)

2. C/Rashiid Ismaaciil Cabdi (Caynte)

3. Maxamed Daa’uud Yuusuf oo Camera-man

Taasi oo uu xadhigooda amray wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cali Ducaale kadib markii uu kula balansanaa inuu waraysi ka siiyo heshiisyo patrol qodis ah oo shirkado heshiis kula soo galay waxaana weriyayaashaa lasii daayay afar saacadood ka dib oo ahayd  cabaara 2-dii duhurnimo

. C/Rashiid Ismaaciil Cabdi (Caynte)

Maxamed Daa’uud Yuusuf  (Camera-man)

April,22,2013 Waxaa magaalada Hargaysa lagu xidhay laba weriye oo kala ah C/raxmaan C/laahi Muxumed(fantaastik) iyo C/qani Xasan Cilmi(dawlad)oo ka  tirsan tv-ga bulsho cabaara 9-kii subaxnimo  ka dib markii ay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta ay damceen inay warbixin ka diyaariyaan  dayac ka muuqday iyagoo isku dayay inay wasiirka waraysi  ka qaadaan ayna u suurto gali wayday ayay askartii wasaarda oo la tuhunsanyahay inuu wasiirku xadhigooda kusoo amray u qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa oo ay ku xidhnaayeen ilaa 5-tii galabnimo oo lasoo daayay  
April 24 2013 Cabaara 11; 30 habeenimo waxaa weerar hubaysan lagu soo qaaday xarunta wargayska Hubaal ee Magaalada Hargaysa taas oo ay fuliyeen laba nin oo afka duuban oo ku hubaysnaa baastoolado iyo budhadh ay dhaawac ugu gaysteen Maareeyaha Wargayska m

Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Maxamed Muxumed Farad oo midkooba gacani jabtay labadaa nin oo mid kamida ay qabteen halka kii kalena uu ka baxsaday oo sida uu sheegay taliyaha Booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan inay labada ninba ka tirsanaayeen ciidamada Booliska Somaliland

 

 

Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay)

may 11,2013 Cabaara fiidkii waxaa Magaalada Hargaysa saldhiga sheikh nuur lagu xidhay weriye C/casiis Bashiir Nuur oo ka tirsan shabakada wararka ee Xogreeb kaas oo amarka xadhigiisa uu bixiyay taliyaha saldhigaa oo ka cadhooday war laga qoray ciyaal budhcada oo xaafadaa ka dilaacay waxaana lasoo daayay aroornimadii danbe  

weriye C/casiis Bashiir Nuur

May, 20, 2013 Waxaa Magaalada ceerigaabo lagu xidhay weriye madax banaan oo magaciisa la yidhaa Axmed Yuusuf Taraafiko oo baahiyay war maamulka khaatumo ku xusayay maalinta nadaafada waxaan amarka xadhigiisa bixiyay badhasaabka gobolka sanaag waxaa xidhnaa mudo ayaamo ah

 

 

Axmed Yuusuf Taraafiko

June 2, 2013 Waxaa xabsiga Magaalada gabilay lagu xidhay weriye C/rashiid Muxumed Qalinle oo ah Farshaxan sawir gacmeed ku sawiray raashin mucaawino ah oo dawlada Turkigu ku caawisay Somaliland oo la musuqay  waxaana soo dacweeyay oo xidhay ganacsade bakhaar ku leh magaalda Gabilay oo iibiniyay raashinkaa mucaawinada ah oo ku dacwooday sawir Cartoonka inuu ku jiro qof u muuqaal eeg

 

 

weriye C/rashiid Muxumed Qalinle (Arts)

June-11-2013 Waxaa xayiraad albaabada loogu xidhay xarunta wargayska Hubaal ka dib markii xeer ilaalinta guud ee Somaliland kasoo dalbatay ,Maxkamda Gobolka Hargaysa kaas oo gudoomiyaha maxkamada gobolka Faysal Dhagadhago uu amar xayiraada kasoo saaray oo ilaa hadana aan wargayskii la daabicin

 

 
3 July 2013 Waxaa Jeelka loo taxaabay maareeyaha Wargayska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (caloolay) iyo tafatiraha wargayska hubaal Xasan Xuseen C/laahi (keef-keef) ka dib markii uu garsoore cisman fanax oo ka tirsan maxkamada Gobolka ee Hargaysa uu  ku riday xukun hal sano iyo labo sano ah iyo lacag ganaaxa oo midkiiba laba milyan oo shilling Somaliland ah

Iyadoo maalin kadib damaanad lagu soo daayay labadaa suxufi ,markii racfaan laga qaatay kiiskaas oo makamada racfaanka laga damiintay

 

 Xasan Xuseen C/laahi (keef-keef)

Maxamed Axmed Jaamac (caloolay)

 

DADKA QORAALADA IYO CABIRKA FIKIRKOODA LAGU XIDHAY SANAFDKA 2013

27.march,2013 Aqoon yahan Jaamac Cilmi Siciid (jiir)  waxaa gelinkii danbe lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa kaas oo lagu eedeeyay maqaal uu warbaahinta ku qoray oo uu kaga hadlayay in beesha ay kasoo jeedaan isaga iyo madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sad buursiimo qaraaba kiila iyo musuqmaasuq ku hayaan dalka Somaliland intuu xilka m/weynaha siilaanyo qabsaday iyo sidoo kale in ay wasiirada xukuumada ka mid yihiin qolo wadaado ah oo xidhiidh la leh kooxaha islaamiyiinta ah ee mayalka adag waxaana soo eedeeyay xeerilaalinta waxaana amarka xadhigiisa bixiyay c.i.d-da waxaana maxkamada la geeyay  iyadoo maxkamadu ku xukuntay 14.april,2013  xadhig dhan 6 bilood iyo ganaax

Lacageed oo dhan 6,00,000/=sl shilling

Sidaasi ayaa jeelka loogu gudbiyay sidoo kale  6-may-2013 ayaa xoriyadiisii loosoo celiyay kadib ,markii

 

 

Jaamac Cilmi Siciid (jiir)

2.june,2013 Sida lagu  sheegay warbixin ay 2.june,2013 soo saartay hayada xuquuqal insaanka ee magaceedu yahay Human rights center in Magaalada Hargaysa ay ku xidhan yihiin afar qof  oo wargayska fore uga waramay raashin mucaawino ah oo la musuqmaasuqay halka weriyihii waraysiga ka qaadayna looga yeedhay xarunta danbi baadhista Somaliland ee C.I.D-da

 

 
7.June.2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay Abwaan Axmed Maxamed Nuur (dhako) oo gabay ka tiriyay uu ku naqdiyayo xaalad sida la sheegayna waxaa xadhigiisa loo adeegsaday odayaasha beeshiisa  
8/June/2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay Mawliid Aadan Cumar oo maqaalo ka qoray Baanka Somaliland sida uu uga dhaco musuqsaaqu taas oo ilaa hada uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa iyadoo dacwadii maxkamaduna ay socoto kabid markii xeerilaalintu dacwad kusoo oogtay halka isaguna uu ka qabsaday garyaqaan u doodaya  

Mawliid Aadan Cumar

10/JUNE/2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay Cumar Maxamed Xuseen (ina dhagoole)fikir uu ku baahiyay bar uu ku leeyahay mareegta ama  boga xidhiidhka bulshada  ee lagu wada sheekaysto ee loo yaqaan  FACEBOOK-ga  ku qoray qoraalkaa oo  fikirkiisa uu kaga hadlayo

Arintaas xadhiga muwaadinkaa ayaa waxa ay noqonaysaa markii u horeysay ee Somaliland lagu xidho qof  facebook-ga wax qoray

 

Cumar Maxamed Xuseen (ina dhagoole)

11/July/2013 Waxaa mar labaad xabsiga loo taxaabay 11-kii habeenimo ee aqoon yahan Jaamac Cilmi (jiir) isagoo ku sugan huteelka emperial ee Magaalada Hargaysa

Sida la sheegay waxaa aqoonyahan jaamac jiir lagu xidhay maqaal uu ka qoray wasiirka duulista iyo hawada  maxamuud xaashi cabdi iyo madaxa baratakoolka wasiirka duulista iyo hawada c/laahi axmed caarshe oo aqoonyahan jaamac jiir ,Uu ku eedeeyay inuu m/wayne siilanyo uuka qori jiray  maqaalo uu  ku aflagaadayn jiray markuu gudoomiyaha kulmiye ahaa inuu xaday qasabadihii gurigiisa uu biyaha wakaalada si tuuga ah ku cabi jiray kaas oo uu hadana wasiirka duulistu u doonayo xil agaasime guud.

 

 

Jaamac Cilmi Siciid (jiir)

18.july.2013 Cali idiris faarax (cali xajar) oo ka hawl gala TVga SOMALI CHANEL waxa lagu xidhay magaalada saylac waxaana xadhigiisa amray taliyaha ciidanka ilaalada xeebahaee aaga saylac  waxaana lasii dayay 24/jully/2013  

wariye Cali Idiris farax (cali xajar)

20.jully.2013 Fahiima yaasiin muuse oo ka howlgasha TVga UNIVERSAL iyo shabakada caanka ah ee oodweynenews.com masuuliyinta heer dagmo iyo heergobol ay caga juglayn iyo jidhdil ugu gaysteen askarta ilaalada u ah iyadoo wariye fahiima ku gudo jirta howleheeda shaqo xarunta gobolkaas ee boorama  

fahiima yasiin muuse