WARBIXIN LAFA-GURAN: Muxuu Ku salaysan yahay Khilaafka Xisbiga Kulmiye? Mid siyaasadeed mise mid Beeleed? (DHEGAYSO)

Hargeysa (SLpost)- Khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo maraya marxaladdii ugu kululayd isla markaana midnimadii lagu yaqaanay u kala jabiyey laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ubucdiisa iyo halka uu salka ku hayo aragti ahaan sida immika muuqata ra’yi caamku ku kala af-kaar duwan yihiin.

aamiinHaseyeeshee, waxa jira Asbaabo ka shidaal-qaadanaya heshiisyo hore uga dhexeeya dhinacyada is-haya oo la odhan karo waxa sabab u ah ged-geddoonka wejiyada siyaasadda iyo is-af-garan-waa ka jira dhinaca shuruucda u yaala xisbiga oo aan la dabbaqin.

Haddaba, ubucda khilaafka Xisbiga Kulmiye ka dhex-aloosan iyo meelaha sartu ka qudhunsan tahay, waxa warbixin ka diyaarisay Idaacadda Afka Soomaaliga ku hadasha ee HIRAD oo todobaadkiiba hal mar dhulka Soomaalidu deggen tahay ka diyaarisa barnaamij xambaarsan Warar, war-bixinno iyo Mawduucyo kale oo xiiso leh.

Warbixintan waxa soo jeedinaysa Weriye Nimco Maxamuud Ciise oo ka tirsan hawl-wadeennada Radio Hirad, waxaanay warbixinteeda ku waraysatay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda ADMAS Xuseen Cabadilaahi Maxamuud.

HALKAN KA DHEGAYSO

 

 

SOMALILANDPOST.NET

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET