Warbixin Cajiib ah oo laga diyaariyey WorldRemit oo ah Nidaam Casri laysugu Xawilo lacagaha oo uu Hindisay Aqoonyahan Soomaaliyeed

Ismail_WorldRemit“Waan ku Faanayaa inaan wax ka beddelay nolosha dad badan” – Ismaaciil Axmed

LONDON (SLpost)- “Nin kaliya ayaa dhibaatada si mug leh ula socday oo wax ka ogaa wuxuu ahaa Ismaaciil Axmed. Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray Somaliland, ka hor intii aanu waxbarasho u tegin UK ka dib markii uu ku guulaystay deeq Waxbarasho ee Bangiga Adduunku bixiyey.

Isaga oo da’diisu caga-cagaynaysay Soddomeeyo-jir xilligaa, Mr Axmed waxa uu ahaa Khabiir ku xeel-dheer Xawilaadda Lacagaha iyo Nidaamka lacagaha laysugu Xawilo, waxaanu xooggan saaray arrimahan, isaga oo Shahaadda PhD cilmiga dhaqaalaha ku diyaarinaya Jaamacadda Imperial College ee magaalada London,” Sidaa waxa lagu bilaabay warbixin warbaahinta BBC ka diyaarisay dedaalkii uu soo maray iyo qaabkii ay ku dhalatay fikradda lagu abuuray shirkadda WorldRemit ah oo ah shirkad Caalami ah oo nidaam Casri ah laysugu Xawilo lacagaha, taas oo uu hindisay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed oo yarantiisii ku soo barbaaray magaalada Hargeysa ee Somaliland, ka hor intii aanu Waxbarasho Heer Jaamacadeed ah u tegin dalka UK.

Warbixintu waxa ay warramaysaa wakhtigii ay ku dhalatay hindisaha Shirkadda WorldRemit, sababaha ku kallifay inuu soo kordhiyo nidaam ka duwan qaabka Shirkadaha Xawaaladuhu uga hawl-galaan waddamada Reer Galbeedka iyo Fursadaha dadka ku dhaqan waddamadaasi ay u haystaan inay lacag u diri karaan Qaraabadooda ama qoysaskooda ku dhaqan waddamada Dunida Saddexaad.

WorldRemit AwardShirkadda WorldRemit oo xarunteeda Guud ay ku taallo Galbeedka London, waxa ay bil kasta samaysaa in ku dhow 200,000 oo xawilaadood, iyada oo tirada shaqaalaha ka hawl-galaa ay sannadkan gaadheen 110 qof.

War-bixinta oo uu diyaariyey Wariye Will Smale oo ka tirsan BBC, waxa ay ku bilaabmaysaa Sida tan:-

“Sannadihii ka dambeeyey weerarradii lagu qaaday Maraykanka 11-kii September, 2011-kii, maaha wax lalal yaabo in hay’adaha ammaanka ee Reer Galbeedka iyo dawladahoodu ay cadaadis xooggan saareen Shirkadaha ka shaqeeya Xawilaadaha Lacagta.

Iyada oo cabsi laga qabo in lacagaha loo diro waddamada Bariga Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfur Eeshiya loo ay gacanta u galaan kooxaha Argagixisada ah, waxa albaabada loo laabay tiro yar oo shirkadaha lacagaha Xawili jiray ah

In kasta oo ay tahay wax la fahmi karo marka laga eego dhinaca ammaanka, saamaynta lama-filaanka ah ee tallaabadani ay yeelatay, ayaa noqotay in dad badan oo aan waxba geysan oo ku nool waddamo Somaliya ka mid ah tahay, ay awoodi waayeen inay helaan lacagaha qaraabadooda dibadda ku maqan ay ka heli jireen, taas oo nolol-maalmeedkooda ku xidhnaa. Waxay ahayd lacag ay ugu baahnaayeen inay siistaan cunto, carruurahooda dhar ugu iibiyaan ama ay ku hagaajistaan saqafyada guryahooda.

Nin kaliya ayaa dhibaatada si mug leh ula socday oo wax ka ogaa wuxuu ahaa Ismaaciil Axmed. Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray Somaliland, ka hor intii aanu waxbarasho u tegin UK ka dib markii uu ku guulaystay deeq Waxbarasho ee Bangiga Adduunku bixiyey

Isaga oo da’diisu caga-cagaynaysay Soddomeeyo-jir xilligaa, Mr Axmed waxa uu ahaa Khabiir ku xeel-dheer Xawilaadda Lacagaha iyo Nidaamka lacagaha laysugu Xawilo, waxaanu xooggan saaray arrimahan, isaga oo Shahaadda PhD cilmiga dhaqaalaha ku diyaarinaya Jaamacadda Imperial College ee magaalada London.

Isaga oo khibraddiisa uga faa’idaysanaya fursad ganacsi, doonayana inuu dadka caawyo, waxa uu bilaabay inuu kala taliyo shirkadaha Xawilaadda lacagaha xarumahoodu yihiin UK iyo Waddamada Dibada, sidii ay ugu hoggaansami lahaayeen shuruucda dhinac ammaanka ee lagu soo rogay.

Guusha uu hirgelinta taas ka gaadhay waxay gayaysiisay in sannadkii 2004-tii hay’adda Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP inay weydiisato sidii ugu biiri lahaa si ay u xakameeyaan dhibaatooyin taas la mid ah oo la xidhiidha musuq-maasuq ragaadiyey hay’adaha Qaramada Midoobay.

Ka dib wakhti uu caqabado badan la kulmay oo uu ku qaatay shaqadiisa Qaramada Midoobay oo uu ruqsayaystay, ka dib markii uu bannaanka soo dhigay musuq-maasuq iyo wax-is-daba marin ka dhex-jiray hay’adaha QM, Mr Axmed waxa uu go’aansay inuu bilaabo ganacsi uu iska leeyahay oo Xawilaadda Lacagaha ah.

Waxa uu gar-waaqsaday haddii uu sameeyo shirkad noocan oo nidaamka Casriga ah ee Internetka ku shaqaysa, inay suurta-gal u noqonayso inaan looga shakiyin dhinaca Ammaanka, isla markaana u saamaxaysa inuu bulshada u soo bandhigo adeeg hoos u dhigaya kharashka lacagaha layskugu xawilo marka loo eego shirkadaha lacagaha Xawila qiimaha ay ka qaadaan.

Sidaa awgeed, waxa halkaas ka dhalatay Fikradda Shirkaddiisa Cusub ee WordRemit.

Si loo fahmo qaabka ay WorldRemit u shaqayso, waxa lagama maarmaan ah in loo fiirsado nidaamka soo jireenka ah ee ganacsiga Xawilaadda lacagaha ee Shirkadaha Xawaaladaha.

Waxa ay la nooc tahay Qof ku nool waddamada Reer Galbeedka oo lacag uu dirayo u dhiibaya Wakiil u shaqeeya shirkadaha Xawaaladaha, ha ahaado farac uu bangi leeyahay ama Meherad Liisan ganacsi u haysata. Lacagtaas waxa loo diraa waddan ka mid ah dalalka dunida saddexaad, halkaas oo qofkii dirayey uu ka qaato Wakiil kale oo shirkadda lacag loo soo dhibay xarun ku leedahay, waxaana farta laga saaraa qofkii kale lacagtii oo kaash ah. Haddii lacagta lagu diro bangi, si toos ah ugu dhacdo Account qof leeyahay. Kani waa nidaamka ay shirkadaha waaweyn ee Western Union iyo MoneyGram iyo boqolaal la mid ah oo kaliya, ay ku soo shaqaynayeen tobanaan sanno.

Iska Illow Wakiil lacag Naqad ah loo dhiibo

Walaaca dhinaca ammaanka ee dunida ku soo kordhay wixii ka dambeeyey weerrradii 9/11 ayaa ah in nidaamka xawilaadda lacagaha ee Noocan uu khatar ugu jiro waxyeello ka soo gaadha nidaam khaldan oo loo adeegsato, sida dad isticmaalaya magacyo iyo aqoonsiyo been-abuur ah ama isku dayay inay si tuugo ah ku diraan lacag.

Waxa uu noqday arrin walaaceedu Qiime badan ugu fadhiyo Bangiyada adeegyadan fududeeya oo kala kulmay in ganaax laga qaado. Sannadkii 2010, Western Union waxa 94 milyan oo Doolar ku ganaaxay gobolka Arisona ee Maraykanka inaanay shirkaddaasi u hoggaansamin shuruuc ku filan oo ay kaga hortagto lacago si tuugo ah ay isugu xawileen Kooxaha maandooriyeyaasha ka ganacsada ee dalka Mexico, ahlak sannadkii 2012-dii shirkada kale ee MoneyGram lagu ganaaxay 100 Milyan oo Dollar.

Dabadeedna sannadkii hore, Bangiga Barclays ee dalka UK, ayaa ku dhawaaqay inuu xidhayo dhammaan Accounnada ay ku leeyihiin 165 ka mid ah shirkadaha lacagaha Xawila marka laga reebo 19 shirkadood oo kaliya.

Si loo fududeeyo caqabadahan dhinaca ammaanka, dhinaca qof lacagta diraya, WorldRemit waxa ay ogolaanaysaa oo kaliya in qofku diro lacagta ugu jirta Kaadhkiisa ama bangigiisa, isaga oo ka diraya Website-ka shirkadda, mana laha habayaraatee Wakiil meel fadhiya oo aad u dhiibayso lacag naqad ah.

Mr Axmed oo sharraxayey, waxa uu yidhi, ‘Iyada oo nidaamka casriga ah ee Digital-ka la adeegsado, waxay inoo suurta-galinaysaa inaynu noqono qaar Ammaankoodu adag yahay. Waxaanu ka badnaa lacagaha aanu dirayno dadka cunaqabatayntu saaran yahay oo waanu qaban karnaa wixii aanu ka shakinno isla markiiba. Tusaale ahaan, haddii qofku isku dayo dhowr Kaadh lambarradooda inuu galiyo isaga oo raadinaya mid u shaqeeya, uma suurto-galayso inuu u shaqeeyo. Mana nihin qaar isku halleeya inay Dukaanleyaasha Mashquulka ahi noo qabtaan Hawsha dhinac Ammaanka.’

Axmed wuxuu intaas ku daray in nidaamka Digital-ka ah uu u saamaxayo WorldRemit inay macaamiisheeda ka qaaddo in ka yar kala-badh kharashkii kaga baxayay lacagta ay dirayaan.

Kaash la Qaato oo laga maarmay

WorldRemit waxa ay sheegaysaa inay safka hore kaga jirto inay Casriyeyso halka ay ku dhacayso lacagta ay xawisho, iyada saddex meelood meel dadka lacagaha loo xawilo ay kaash ahaan ku qaataan, marka la barbar dhigo boqolkii 90 Guud ahaan.

Labada qaybood ee soo hadhay ee Xawiladda lacagaha WorldRemit, waxay dadka lacagaha si toos ah loogu diraa AccounyadoodaBangiga ama waxa ay si toos ah ugu heleen telefoonnadooda gacanta.

Nidaamka dambe, ayaa si weyn ugu hirgelay shirkadda WorldRemit oo heshiisyo laba geesood ah la gashay shirkadaha Telefoonnada iyo nidaamka lacag-bixinta, sida EcoCash oo laga isticmaalo waddanka Zambia, kaas oo dadka u saamaxay inay telefoonnada gacanta u adeegsadaan sidii Kaadhadhka wax lagu iibsado.

In kastaoo Shirkadaha waaweyn Caalamka ee ku shaqeeya nidaamkan ay soo kordhinayaan xawilaadda lacagta ee Digital-ka ah iyo ta Kash-ka ah, Mr Axmed waxa uu leeyahay midkoodna sooma gaadhin heerka ay WorldRemit Caalamka ka gaadhay.

Ismaaciil oo tan sharraxayey, wuxuu yidhi, ‘Waddamo farabadan iyo magaalooyin badan oo caalamka ah, waa inaad tirada ku darsataa inaanay dadku doonayn in ay suuqa lugeeyaan iyagoo lacago sita sababo ammaan awgeed. Sidoo kale, waxa iska dhacda inay qofka ku fogaato intuu u socdo bangiga ugu dhow oo lagaba yaabo inuu xidhan yahay,’

WordRemit waxa ay xarunteeda guud ku taalaa Galbeedka magaalada London, sannadkanna waxa kor u kacay tirada shaqaalaha ka hawl-gala oo gaadhay 110 qof. Waxaanay Xawilaadda lacagaha ee bil kastaa ay gaadhaysaa 200,000 oo xawilaadood.

‘Waan ku Faanayaa/han-weynahay inaan wax ka beddelo nolosha dad badan,’ Sidaa waxa yidhi Ismaaciil Axmed.”