Warbaahinta Somaliland oo Barri u Dabaal-degaysa madax-banaanidda Saxaafadda iyo Xoriyatul Qawrlka Dalka

Hargeysa (SLpost)- Guuradii ka soo wareegtay geeriddii Aabihii xoriyatul qawlka iyo saxaafada madaxa-banaan oo maanta ku beegan,,ayaa loo asteeyey inay noqoto maalinta saxaafadda iyo xoriyatul qawlka Somaliland.

Maanta ayey ku beegan tahay Sannad-guuradii 14aad ee ka soo wareegtay geeriddii Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Shide oo saxaafadda Somaliland u aqoonsatay inay tahay Maalinta Xoriyatul Qawlka Iyo Warbaahinta Madaxa Banaan, kaas oo uu ka hirgaliyey wargeysyadii ugu horeeyey ee madax banaan, isla markaana noqday muwaadin u dhaqdhaqaaqa madax banaanidda saxaafadda, dhibaato badana kala kulmey mudadii uu ku hawlanaa hirgalinta warbaahin madax banaan in la helo.

Marxuum Maxamed Cabdi Shide

Marxuum Maxamuud Cabdi Shide ayaa dhiigiisii iyo dhaqaalihiisii galiyey sidii dalka looga heli lahaa warbaahin madax banaan oo hadba xukuumadda jirta toosisa,isla markaana umadda u hagta dimuqraadiyada iyo aragti is waydaarsi, taas oo looga gudbay inay qofku waxa uu diidan yahay qoraal ama hadal ku soo gudbiyo lagana baxo gacan ka hadal iyo is muquunin.

Saxaafadda Somaliland oo hadda ku naaloonaysa xorriyad buuxda, ayaa waxa uu ka mid ahaa ragii ruganadda u taagay madax banaanidda iyo xoriyatul qawlka Somaliland, Waxaana loo asteeyey inay bisha 11naad 9 keeda loo aqoonsado maalinta madax banaanidda saxaafadda iyo xoriyatul qawlka.

Ururka saxaafadda Somaliland oo soo qabanqaabiyey xuska maalintan ayaa maalinta sabtidda ee bishan 10keedda lagu qaban doonaa kulan balaadhan oo loogu dabaal degayo warbaahinta madaxa banaan, waxaanay hal ku dhaga sanadkan loo xushay “ Amniga Suxufiyiinta Somaliland qarankaa ayaa ka masuulla” iyadoo looga jeedoo inay xukuumaddu ilaalisho wariyeyaasha Somaliland, maadaama oo dhowaan lagu dilay markii ugu horaysay wariye ka tirsan warbaahinta Somaliland oo magaciisa la yidhaa Marxuum Axmed-Saki Faarax Ilyaas oo ka hawlgali jiray telefishanka UNIVERSAL ee magaaladda Laascaanood.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster[at]somalilandpost.net