Warbaahinta Madaxa-bannaan oo ku Guulaysatay in Dammaanad lagu Sii-daayo Laba Suxufi oo Shalay lagu Maxkamadi ku ridday Xukunno isugu jira Xadhig iyo Ganaax Lacageed

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa manta ku guulaystay in Dammaanad lagu sii daayo Maareeyihii iyo Tifaftirihii Wargeyska Xayiran ee Hubaal oo maxkamadda gobolka Hargeysa shalay ku ridday xukunno isugu jira Xabsi iyo Ganaac, ka dib markii qareennada u doodaya suxufiyiintu ay kiiskaas dammaanad ka qaateen.

Warbaahinta madaxa-bannaan waxa ay mahadnaq u jeedisay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo qayb ka qaatay xal u raadinta Arritan iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta Maroodijeeex Cabdirashiid Durraan oo ogolaaday in dammaanad lagu sii daayo suxufiyiinta.

War-murtiyeed kooban oo warbaahinta madaxa-bannaan arritan kaga hadashay, ayaa u dhignaa sidan: “Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay shaacinaysaa inay ku Guulaysatay maanta in Damaanad lagu sii daayo Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tafatiraha Wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi (keef-keef) oo maalintii shalay Xabsiga loo taxaabay.

Labadan Wariye ayaa maanta Damaanad ay ku sii daysay Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodijeex, ka dib markii Qareenada u doodayaa Rafcaan ka Qaadatay Xukunkii ay shalay Maxkamada Gobolku xubnahaasi ku riday.

Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay u mahad naqaysaa Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maroodijeex Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duuraan) oo aqbalay in Labadaasi suxufi ay Damaanad Xasbiga kaga baxaan Racfaankooda la dhagaysto iyaga oo dibada jooga.

Saxaafada Madaxabanaan waxay sidoo kale u mahad naqaysaa Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi  Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ka qayb qaatay sidii xal loogu heli lahaa xadhiga Suxufiyiintan.

Ugu dambayntii Warbaahinta Madaxbanaan iyada oo ku Baraarugsan Xilka Qaran ee Saaran iyo xaalada Guud ee Somaliland waxay ay sii wadaysaa Wadahadalada ay kula jirto Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, si Xal waara loogu helo is af-garanwaaga taagan, loona Sugo ku dhaqanka Sharciga  iyo Sugnaanta Dumuquraadiyada Somaliland.”

Dedaalka Warbaahinta Madaxa-bannaan ee dalku kaga dhiidhiyeen xadhigga labada Suxufi ee Wargeyska Hubaal, ayaa ku yimi ka dib markii ay xukuumadda cadaadis xooggan ku saartay in xorriyaddooda loo soo celiyo isla markaana xayiraadda laga qaado Wargeyska. Sidoo kale, warbaahinta madaxa bannaani ayaa ku hanjabtay mudaharaad ka dhan xukunka labada suxufi, arrintaas oo soo dedejisay in Xubno Wasiirro ahi dalbadaan dhex-dhexaadin ay ka arrintan si looga baaqsado bannaan-baxa ay warbaahintu go’aansatay inay ku soo bandhigaan shucuurtooda.

SOMALILANDPOST.NET