“WARBAAHINTA MADAXA-BANAAN EE SOMALILAND WAA DAL-JIRKA DAHSOON” CALI KUBAD

Waxaan had iyo jeer si toos ah iyo si dadbanba u maqlaa dad kugu odhanaya “Waar kuwo yar yar oo aan aqoon lahayn, oo shaqo kale haysan oo ku xoogsanaya wariyenimo ayaa warbaahintii looga maaro la’yahay”. Ama waar qof waliba ” waxuu furtay wargeys ama mareeg (website) uu ku xoogsado, wax kalena ma hayaan oo aan ahayn aflagaado iyo cay”. Anigu Waxaan qabaa in lagaga masuugayo doorka fiican ee ay bahda warbaahintu ay bulshada ku lee yihiin, waayo iyadoon in ka mid ahi oo badani, aanay aqoon dugsi wariyanimo lahayn bay muujiyeen karti, hufnaan, aqoon xeel-dheernimo ku dheehan tahay iyo dedaal badan oo ay wadanimo run ah ka muuqato. Waxaan xasuustaa waqtigii dawladii Daahir Rayaale inuu madaxweyne Siilaanyo oo markaas mucaarid ahaa uu dusha ka huwin jirey amaan, kuna balan qaaday inuu saxaafada madaxbaanan kobcin doono. Markii dawladiisii ay meesha timina, uu dhabarka u soo jeediyey saxaafadii madaxa bannaaneyd ee uu ku faani jirey markuu Mucaaridka ahaa. Waa ayaan daro, isagaa halhays u lahaaye!

Marka dal ay ka jirto cadaalad, sinnaan, iyo inuu qof kastaaba uu xor u yahay fikerkiisa iyo aaraahdiisa ( xoriyatol qawl), waxa Keli ah ee wax kala wadaa waa saaxaafada madaxa-baanaan. Sida lacagta waxa loogu kala iibsado oo kale, bay warka iyo saaxaafada madaxa-banaani ay u yihiin wax kala wadista iyo xogta wax lagu go’aansado ee dalalka dimuquraadiga ah. madaxweyne Thomas Jefferson waxa laga hayaa ” information is the currency of democracy”. Marka war leho baa talo la helaa. Hayeeshee, way dhici kartaa inay marmarka qaarkood ay kuwo ka mid ah wariyeyaasha iyo suxufiyiintu uu khalad ka dhici karo. Laakiin waxaan qabaa xitaa qaldaadkaas ka dhacay inuu u fiican yahay, waayo qofna waxba ma baran karo haddii aanu khaldamin.

Ta kale, haduu xitaa warkay soo gudbinayaan uu boqolkiiba sagaal iyo sagaashan khaldan yahay, mida soo hadhay ee Runta ah baa waajib kii dadka iyo dalkaba ka saarnaa ka ridaya, oo sidaas bay waajibkoodii ku guteen. Tusaale, berigii intifada-da ay Falastiiniyiintu ay sameeyeen, baa Saddex qof ay Bas (Bus) soo fuuleen si ay u afduubaan. Waxa ka xumaada qorshihoodii, oo Isla markiiba askartii Yuhuuda ahaa ayaa midna diley, labana qabtay. Labadii la qabtay bay jidka dhexe kusii dileen. Dadka oo Iska ilowbeyba dhacdodaas, baa warbaahinta Yuhuudo ay sawiradii labada nin ay askartu ka dejinayeen Baska ay soo bandhigeen. Sirdoonkii Yuhuudi waxay ka hadlaan bay waayeen, ilayn sawiradii baa meesha la hor keenaye. Ninkii Sirdoonka ka madaxda ahaa sidii buu isku casilay, waayo eedaysanyaal aan maxkamad la geynin bay askartiisu dhexda kusii laysay. Nuxurku waxa weeye, shacbiga Yuhuudu waxay markaas ka duulayeen ilayn naf iyo naxariistona uma hayaan Falastiiniyiinta dhintaye, in haddii ay berito ka maalin ah qof Yuhuudi ahna arrin xun ama dilba loo geysto inay warbaahintooda isku halayn karaan. Oo ay warbaahintoodu tahay mid xog-ogaal ah.

Dawladaha dunida saddexaad siiba Afrikaanku ma jecla wax ka sheegista dawladnimo. Waarbaahintu maaha inay kabo-qaad u noqdaan dawlada kolba jirta, waajib ka waarbihintu waxa weeye inay meel walba dawlada farta ka geliyaan, oo ay cusbeeyaan marka loo baahdo. Dawlad kastoo xoog badan qalin baa lagu riday, haa way jirtaa in xabadna lagu ridi karo, laakiin qalinkaa ka dhiig-bax yar, oo ka hawl fudud. Dawladda sharafta lehina waxay wax ka barataa dhaliilaha warbaahinta madaxabanaan, waayo maahmaah baa tidhaahda markaynu gidigeen isku si u wada fekerno,dee cidina may fekerin, oo waxba maynu korodhsan “when we all think alike, then no one is thinking”. Hadaad aragto dawlad ka baqda warbaahinta madaxabanaan wax bay hulaabsan tahay oo u qarsoon, “Buubaal biyaha kashiisa ku jiro buu ka didaa”. Professorka madow ee caanka ah Henry Louis Gates Jr waxuu yidhi baadhista la baadho farshaxanimada ama qoraalada iyadoo laga radinayo inay wax lidi/ mucaarid ku tahay iyo in kale, waxay la mid tahay iyadoo cadaaladii geed laga soo dedelo oo xidhig cunaha lagaga jiqsiiyo si ay dhimato(Censorship is to art as lynching is to justices) sidii qof la deldeley oo kale.

Ka rog oo hadana saar buu yidhiye, intaas waxa raacda oo iga talo ah inaanay warbaahintu cayda qaawan ee dooda ka baxsan aanay soo daabicin, waayo dee waxba inoo kordhin mayso. Waxaad arkaysaa qof isagoo doonaya inuu wax dhaleeceeyo hadana meel kale isku qaadaya sida ” ninkaas Hebel hooyadii hilibley bay ahayd iyo riyaha bay dadka u raaci jirtey” Waxaas oo kale waxa lagu yidhaahdaa af ingiriisida (ad hominem), waana shakhsi weerar iyo dhaqan xumo. Ta kale goormay ceeb noqotay Islaan caruurteeda u shaqaynaysaa?

Laakiin, waxii xun ee aad dadka ka joogin kartaana dee isku taxalujiya inaad ka celisaan , waxii wanaagsana dee dadka ku guubaabiya. Dawladdana haka baqanina ilayn waa dawladiiniiye. Xumaantaad aragtaana ee dastuurka ka soo hor jeeda dadka ogeysiiya. Iminka waxaad soo qortaan uun wax aad aragteen, ee waxaydaan aragna ee dadkana ka dahsoona soo qora, oo barta sida wax loo baadho (investigative journalism). Qofka iyo halkaad warka qaarkii ka heshaana xisaanad caalami ah ( immunity) baa idiin siisey inaydaan sheegin. Denbina la idiin kama dhigi karo. Wararka sidaad u aragtaan ama ay runtu tahay u gudbiya idinkoon waxba ku darin oo fekirkiina gaarka ah ku badhxin.” Ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, isagoo Qoraalkiisa sii watanna waxa uu yidhi “Sharaftana, waad arkayseen sidii sharafta lahayd uu Marxuum Ahmed Xasan Cawke adduunka kaga tegey. Waxay ahayd kalsooni uu dadka ka samaystay markuu noolaa. Hadaad Kari kartaan waxaan idiin kula talin lahaa shahaada sharaf, aad sida qof Cawke oo kale ah ugu magac dari lahaydeen oo sanadle ah, oo mid suxufiyada ah, mid wargeysyada ah, iyo mid mareegaha ah oo lagu kala guuleysto. Idinku wax isu qira, oo wax isu hibeeya, oo isu hiiliya. Mida kale, isku bah noqda oo qabiil la yidhaahdo warbaahin noqda, oo kiina xun, ee ceebta idiin soo jiidayana wax u sheega oo xeerbeegti idiin gaar ah ( self regulatory body) oo khilaafkiinana maareynteeda yeesha. Dee Ilaahayna ka baqa oo wax Aakhiradiina wax yeelayana ka fogaada. Waxaad tihiin jawharadii dalka iyo dadkaba ee sidaas ogaada. Waxaad tihiin seeftaas labada af leh, waxna waad dumin kartaan, waxna waad dhisi kartaan, ee warkiinu ha miisaanaado.

Gebogebo, abaalkiina lama gudi karo, kuwa innaga dhintayna Ilaahay ha u naxariisto, kuwiina noolna duco naga gudooma. Waxa laga yaabaa innaanaan idinku raacsanayn wax kastoo aad qortaan, laakiin waanu idiin difaacaynaa xitaa hadii aanu u dhimanayno ilaalinta xaquuqdiina, si aydaan u waayin waajibaad kiina shaqo ee aad Qaranka u haysaan (“I don’t agree with what you say but I will defend to the death your right to say it.” Voltaire). Waayo gunnimo ka weyni ma jirto Qaran baqdin awgeed la aamusay, oo la aamusiiyey. Dad baqa ha noqonina, milgaha iyo asluubtana haka tegina. Runtii waxaad u qalantaan Bilad geesiyado. Ilaahay ha idiin garab galo.”