WARAYSI TAARIIKHI AH: Daawo Cabdilaahi Cukuse oo Muuse Biixi Waraysi la yeeshay 199-kii iyo Hab-dhaqankii Suxufinimo ee uu lahaa

Hargeysa (SLpost)- Waxaanu Akhristayaasha iyo Daawadayaasha SLpost Inc. halkan ugu soo gudbinaynaa Waraysi taariikhi ah oo sannadkii 1992-kii lala yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo wakhtigaas ka mid ahaa saraakiishii SNM ee ka soo horjeedday xukuumaddii ugu horeysay ee Somaliland yeelato ka dib ku-dhawaaqistii dib-u-la soo noqoshada Madax-bannaanida Somaliland 18-kii May sannadkii 1991-kii.

WASAWaraysigan waxa qaadaya oo wakhtigaas suxufiyiin ahaa Wasiirka Warfaafinta ee wakhtigan Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo labadooduba si tallan-taali ah su’aalo u weydiinnay Muuse Biixi iyo laba Mujaahid oo kale oo wakhtigaas mucaarad ku ahaa xukuumaddii Cabdiraxmaan Tuur, madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland.

HALKAN KA DAAWO

Sida muuqaalka ka muuqata, Cabdilaahi Maxamed Daahir oo inta badan ee waraysi su’aalo dhinacyo kala duwan ku weydiinaya Muuse Biixi Cabdi, waxa marka laga yimaaddo xaaladdii wakhtigaas , ka muuqata inuu waraysiga ama xog-warranka uu la yeelanayo Muuse Biixi inuu waraysiga qaadayo isaga oo sigaar qiijinaya, taasina ay ka tarjumayso anshax-darro aan ku habboonayn Mihnadda Suxufinimo.