Liibiya: Wararkii U Dambeeyey ee Shilkii maalmo ka hor ay Ku Dhinteen Dhalinyarada Tahriibayaasha ah

London (SLpost)- Dhawr cisho kahor shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacey meel udhow caasimaada liibaya, ayaa ay ku dhinteen 18 dhalinyaro ah oo ay 6 haween ahaayeen, waxaana dhalinyaradan la saarey  gaadhi uu saarnaa Sibidh oo loo sameeyey laba Raar oo Ta sare lasaarey sibidhkii tii hoosane la saarey 118 ruux.

Gaadhigan ayaa  ku dhacey meel inyar  u jirta caasimada liibiya waxaana halkaa ku dhintay 18 qof oo dhalinyaro Somaliland u dhalatay ku jireen, waxaana Xabsiga loo taxaabay 90 kale oo kuwii dhaawacmay ku jiraan, halka 8 ka mid ahina baxsadeen wakhtigii shilku dhacay.

tahriibMid ka mid ah dhalinyarada Somaliland ka tahriibtay balse haatan ku sugan magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, wakhtinna rejaynaya inuu Safar badda ah kaga haajiro dalkaas, ayaa ka warramay xaaladda ay ku sugan yihiin tahriibayaashii ka badbaaday Shilka.

“Waxa soo hadhey 98 ruux, Siddeed ka mid ah waa yaaceen 90 kii hadhey oo dhawac kujiro ayaa qaarna xabsiga loo taxaabey kuwa kalena lageeyey cusbitaal ,hase ahaatee markii dhaawacii la dhayey waxa iyana sitoosa loo geeyey xabsigii waxaana hada xidhan 90 ruux oo isugu jira Rag iyo Haween,” ayuu yidhi Wiilkan Tahriibaya oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Somalilandpost.net

Liibaan

 London, UK