Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo ka dhacay Kismaayo iyo Faahfaahinta Cidda uu Dhexmaray

ciidamoKismaayo  (SLpost)- Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa maanta duhurnimadii Bilaabmay xaafadda Afmadow oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda hoose ee Dalkaasi Soomaaliya.

Sida ay sheegeen wararka laga helay deegaamadas ee Wakaaladaha Caalamku baahiyeen, dagaalkaas oo socday muddo saacad ah ayaa la sheegay inuu u dhexeeyey ciidamada Jabhaddii Raaskambooni ee hadda taageersan Axmed Madoobe iyo maleeshiyo beeleed taageersan siyaasiga Iftiin Xasan Baasto oo labadooduba sheeganaya inay yihiin Madaxweynayaasha maamulka Jubaland dalkaasi Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganaysa goob-joogayaal ku sugan magaaladaas, dagaalka waxa uu saameeyey xaafado ka tirsan magaalada iyada oo ay ku dhinteen ilaa todoba qof shacab ah oo haweenay caano iibineysay ku jirtay, lamana oga khasaaraha kala gaadhay labada dhinac.

Iftiin Xasan Xasan Baasto oo caawa la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa sheegay in weerarkaas isaga lagu soo qaaday, kana dambeeyeen Ciidamada taabacsan Axmed Madoobe oo sida uu sheegay doonayey inay isaga qafaashaan.  “Barqadii mar ay aheyd ayaa anigoo ka imi gurigeyga, joogana albaabka hore ee Hotel Cascaseey si aan u booqdo madaxda dowlada ee hotelkaas degan, ayaa waxaa weerar igu soo qaaday maleeshiyada Raaskambooni oo doonayey inay i qafaashaan, wey i hareereeyeen hase ahaatee rag ilaaladeyda ka tirsan ayaa iga difaacay, dagaalkuna sidaas ayuu ku bilowday,” ayuu yidhi Iftiin Xasan Baasto, waxaanu intaas ku daray, “Markii aan gurigeyga ku laabtay ayaa waxaa iga daba yimi saraakiil ka tirsan Raaskambooni oo doonayey iney iga raalli geliyaan wixii dhacay, hase ahaatee intii ay ila joogeen ciidamo kale oo Raaskambooni ka tirsan oo soo qaatay gaadiid dagaal ayaa guriga igu soo weeraray, waana la iska difaacay.”

Mar la weydiiyey khasaaraha ilaaladiisa ka soo gaadhay dagaalkaas iyo cidda rasmiga ah ee amaanka magaalada gacanta ku heysa, waxa uu sheegay in hal Askari isaga dhankiisa ka dhimatay, dhinaca ka soo horjeedayna aanu sheegi Karin khasaaraha gaadhay, isagoo xusay in amaanka Kismaayo aanay jirin cid gaar ah oo loogu soo hagaago, magaaladana ay tahay mid kala qeybsan.

Waa markii ugu horeysay ee uu dagaal dhexmarao qaar ka mid ah siyaasiyiinta wada sheeganaya inay yihiin madaxweyayaasha Jubaland ee ku wada sugan magaalada Kismaayo, mana jiro war ku saabsan dagaalkan oo ka soo baxay dhinaca Axmed Madoobe, haseyeeshee waxa la sheegay in xaaladda ammaan ee magaaladu degtay markii lagu soo rogay bandow, haseyeeshe ay jiraan Xiisado mar kale horseedi kara dagaal ka qarxa.

SOMALILANDPOST.NET