Wararkii u dambeeyey ee Hawl-gal ay Ciidamada Qaranka Somaliland si rasmi ah ugula wareegeen Gacan-ku-haynta magaalada Taleex

news1Hargeys (SLpost)- Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Taleex ee xarunta Degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland, halkaas oo ay hore ugu dagaallameen Puntland iyo Malleeshiyo-beeleedyo fadhigoodu ahaa magaaladaas.

Wararka laga helayo magaalada Taleex, ayaa sheegaya in Ciidanka Millateriga Somaliland, saaka la wareegeen gacan-ku-haynta Taleex, ka dib markii sida la sheegay ay ku awood-roonaadeen dagaal dhex-maray Maleeshiyaadka ka taliya deegaannadaas oo halkaas hore ugu sugnaa.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka Millateriga Somaliland kula wareeegay gacan ku haynta Taleex, hase-yeeshee, waxay wararku tibaaxayaan in is-abaabul dagaal ka socdo deegaannada Taleex iyo nawaaxigeeda, kaasoo la sheegay inay ku jiraan Malleeshiyaadka laga adkaaaday Ciidanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Magaalada Taleex ayaa loo qorshaynayay in lagu qabto Shirka Khaatumo 3, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Maamulkaas oo toddobaadkii hore gaadhay magaalada Buuhoodle, ka dib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalkaasi Soomaaliya, halkaasoo ay diyaarad ka soo raaceen Hoggaamiyaha Malleeshiyada Khaatumo Indho-sheel iyo Wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo Masuuliyiin kale oo dawladdaas xilal ka haya.

Socdaalka ay saraakiishaasi ku tageen degmada Buuhoodle, ayaa xukuumadda Somaliland ku cambaareysay dawladda Somaliya ee uu hoggaamiyaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamed oo ay ku eedaysay inay maleegayaan dagaallo hor leh oo ka dhex dilaaca gudaha Somaliland.

Wararka la xidhiidha socdaalka weftigaas, ayaa tibaaxay inay xukuumadda Soomaaliya taageero Milatari iyo mid maaliyadeed u ballan-qaadday Kooxda Khaatumo oo iyagu taageersan Dawladda Soomaaliya, iyaga oo taageero ku raadinaya samaysiga maamul-goboleed ay kula gor-gortaan Federaalka Somaaliya.

SOMALILANDPOST.NET