WARARKII u dambeeyey ee Xaaladda Doonyo ay saaran yihiin 200 oo Muhaajiriin Soomaali ku jirto oo ku Dhex Caddilan Biyaha Badda Liibiya

Rome (Slpost)- Laba doonyood oo ay saaran yihiin Muhaajiriin tiradadooda lagu qiyaasay 200 oo isugu jira Somali iyo Eretatian, kuwaas oo ku sii jeeda Xeebaha dalka Talyaaniga, ayaa qaylo-dhaan u dirsaday ciidamada ilaalada Xeebaha Italy maalinimadii ee shalay oo masuuliyiinta dalkaasi soo gabogabeeyeen baadi-maydadka dadkii ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Italy oo ay ku geeriyoodeen 300 qof oo isugu jiray Eretrian iyo Ethiopian.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ee dhowaaqa qaylo-dhaantu gasdhay, ayaa sheegay in labada Doonyoodba ay weli ku jiraan xuduuda Biyaha badda ee Liibiya.

doon-300x187
Qaylo-dhaantii u horeysay ee ka timaadda Tabriibayaasha, waxa helay oo ay gaadhey Wariyaha Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga ee magaalada Rooma Aadan Sabriye oo sheegay inay 120 Somali ah oo ay ku jiraan 30 haween ah iyo 20 carruur ah ay ku caddilan yihiin mid ka mid ah labada doonyood oo laba maalmood ka hor ka baxdat Xeebaha Liibiya.
Telefoon labaad oo xambaarsan qaylo-dhaan taakulo, ayaa ka sop yeedhay 100 Eretarian ah oo haween iyo carruur ku jiraan, kuwaas oo la xidhiidhay Mose Zeria oo asal ahaan ka soo jeeda Eretariya, kaas oo u dooda xuquuqda dadka magan-galyo doonka ah iyo qaxoontiga ku nool Talyaaniga.
Labada qaylo-dhaamoodba waxa la sheegay in loo gudbiyey Ilaalada Xeebaha Talyaaniga -kuwaas oo markii ay arkaan in doonyahaasi ku jiraan Biyaha Dalka Liibiya, codsiyo taakulo loogu gacan fidinayo u diray Maraakiib ganacsi oo ku safray goobaha ay doonyahaasi ku xumaadeen.
Siddeeddii bilood ee u horreeyey sannadkan 2013-ka, waxa xeebaha dalka Talyaaniga gaadhay 21,241 oo tahriibayaal ah, halka sannadkii 2012 ay tiradu intaas ka yarayd, ahaydna 15,570 muhaajir, sida lagu shaaciyey Cilmi-baadhis uu sameeyey Machadka Cilmiga Bulshada iyo Dhaqaalaha ee CENSIS.
Somalilandpost.net
Rome