Wararkii u Dambeeyey tirada Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa iyo Khasaaraha ka soo gaadhay Ilaaladii Xabsiga oo qaarkood geeriyoodeen

Hargeysa (SLpost)- Askari ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa dhintay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaadhay , ka dib markii ay Rasaas ku rideen Maxaabiis falal budhcad-badeednimo ugu xidhan Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa oo isku dayay inay baxsadaan iyo Askarta Ilaalada ka  ah xabsigaas.

news1Maxaabiistan ayaa la sheegay inay adeegsadeen baaskoolado ay  ku weerareen ilaallada, lamana garanayo sida ay baaskooladahaasi Jeelka ugu dhex-heleen iyo cidda qorshahan ku wehelisay ee maxaabiista u fududaysay baxsadkooda.

Dhawaaqa Rasaasta ayaa laga maqlayey Qaybo badan oo ka mid ah Hargeysa, taasoo la sheegay inay is-weydaarsadeen Maxaabiista Baxsanaysay iyo Askarta Ciidanka Xabsiyada ee Asluubta Somaliland.

Xabsiga Dhexe ee HargeysaMaxaabiiistaas oo tiradoodu ahayd Lix nin ayaa isku dayey inay ka baxsadaan Xabsiga, hase-yeeshee, waxa ciidamada Asluubta u suurto-galay inay gacanta ku dhigaan shan ka mid ah Maxaabiistaas oo falal budh-cadbadeednimo ah u xidhan, halka kii afraadna ay ciidanku ku raad-joogaan soo-qabashadiisa.

Ciidanka ilaalada Xabsiga dhexe ayaa xoog loo xoojiyey, isla markaana waxa la arkayey Ciidan badan oo gaaf-wareegaya hareeraha Xabsiga dhexe oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa.

Illaa Imika ma jirto cid ka tirsan ciidamada Ammaanka Somaliland oo ka hadashay falkan isku-dayga baxsad ee Maxaabiista Xabsiga magaalada Hargeysa.

Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa waxa wakhtigan ku xidhan maxaabiis tira badan oo loo hayso falal budhcad-badeednimo kuwaas oo lagu soo xukumay meelo ka baxsan Somaliland.

Maaha markii u horreyeysay ee Maxaabiis ay ka baxsadaan Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa, haseyeeshee muddo shan sanno wakhti laga joogo waxa  sidan oo kale xabsiga uga baxsaday Maxaabiis u xidhnaa Kiisas Argagixisonimo ah, kuwaas oo iyagana Xabsiga Dhexdiisa loogu geeyey Baaskoolado ay kula dagaalameen ilaalada Xabsiga.

SOMALILANDPOST.NET