Wararkii u dambeeyey Dab ka kacay Booyad Shidaal oo ay ku geeriyoodeen 150 Qof iyo Dhaawac tiro badan

Bahawalpur (SLpost) – Ugu yaraan 150 Ruux oo Shacab ah, ayaa ku geeriyooday Dab ka kacay Booyad Shiidaal Sidday oo ku dhacday Kambalka ama Duleedka magaalada Bahawalpur ee gobalka Punjab ee waddanka Pakistan Axaddii Maanta oo ay Ciid ahayd.’

Saraakiil Booliska deegaanka u hadlay markii ay goobta tageen ka dib, ayaa sidaa Warbaahinta u xaqiijiyey, iyada oo Dhimashadu korodhay, halka Dad Tiradaas ku dhawna lagu dawaynayo Cusbitaallo kala duwan oo deegaankaas ah iyo kuwo deegaanno kale loola cararay.

booyadDadka ku dhintay Shilkan ayaa u badnaa Dad Shacab ah oo Deegaanka ku dhaqnaa, kuwaasoo isugu soo ururay goobta ay Booyaddu ku dhacday, isla markaana Shidaal ka daadanayey Booyadda kala boobayey, ka dibna sida ay Goob-joogayaasha qaarkood Warbaahinta u sheegeen Mid ka mid ah Dadka halkaas isugu yimi ayaa damcay inuu Xabbad Sigaar ah ka shito Leetar ama Bilikay ama Qaraxad ama Wallacad, ka dibna Dabkaas ayaa qabsaday Shidaalka Booyadda ka butaacayey ee ay Boqollaalka Qof isugu soo urureen dhurashadiisa.

Dad Sigaar cabbayey oo goobta joogay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen dabka qabsaday Shidaalkii daatay iyo Booyaddaba, sidaa waxa ku warramay TV-ga Geo ee Pakistan laga leeyahay isagoo soo xiganaya dad goob-joog ahaa.

Waddooyinka dalkaas ayaa lagu yaqaan in ay khatar badanyihiin, Baabuurta oo aan si fiican loo daryeelin iyo wadeyaal si bilaa taxadar ah u kexeeya Baabuurta ayaa loo aaneeyaa Shilalka ka dhaca dalkaas.

gubashadaAfhayeenka Ciidanka Maj-Gen Asif Ghafoor, ayaa Warbaahinta dalkaas qaar ka tirsan u sheegay in Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ciidanka Pakistan, loo diray goobta Shilku ka dhacay; si ay Dadka dhaawaca ah Cusbitaallada ula gaadhaan. Warbaahinta Pakistan ayaa baahisay Sawirrada Baabuur iyo Meydad dhuxuloobay, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu sii kordhi doonto.

Shilkan ayaa ku soo beegmay, wakhti uu Raysal-wasaaraha dalka Pakistaan Nawas Sharif, Fasaxa Ciidal-fidriga ku jiro, isla markaana Safarka Fasixiisa ku joogo magaalada London ee waddanka Britain, waxaanay Shacabkiisa ugu baaqeen inuu dalkiisa dib ugu soo noqdo ka dib Shilkan ay Dadka badani ku dhinteen iyo weliba Dad dhawr iyo siddeetan Ruux ah oo maalmihii u dambeeyey Qaraxyo ku dhintay, isla gudaha waddanka Pakistan, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee dawladda Pakistan.