Wararkii u dambeeyey Af-gembi dhicisoobay oo ka dhacay dalka Itoobiya

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in gobolka Amxaarada ee dalkaasi uu shalay gelinkii dambe ka dhacay inqilaab fashilmay oo la doonayay in lagula wareego xukunka maamulka gobolkaasi.

Ra’iisalwasaare Abiy Axmed ayaa dhanka kale shaaciyay in la toogtay taliyaha ciidamada xoogga dalkaasi ka dib rabshadahaasi ka dhacay gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya.

Dalkaasi Itoobiya ayaa waxaa in dhawaale ka dhacayay rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha dega dalkaasi.

Afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisalwasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in uu fashilmay inqilaab la doonayay in lagula wareego xukunka ismaamulka gobolka Amxaarada ee dalkaasi.

“Waxaa uu iskuday inqilaab ka dhacay magaalada Bahir Daar balse waa uu fashilmay,” ayuu yiri Negussu Tilahun oo ah afhayeen u hadlay ra’iisalwasaare Abiy Axmed.

Waxa uu sheegay in ay socdaan dedaallo lagu soo qabanayo shakhsiyaadkii soo maleegay inqilaabkaasi, kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayeen in ay afgambiyaan maamulka uu hoggaamiyo Ambachew Mekonnen oo ah madaxa dowlad deegaanka Amxaaraha ee dalkaasi Itoobiya.

 

Ilaa iyo haatan ma cadda sababta ka dambeysay iskudayga inqilaabkaasi, waxaana jirta saraakiil la laayay sida uu shaaciyay ra’iisalwasaare Abiy Axmed. Ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda arrintaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xooggan oo ka dhaceysay agagaarka xarunta booliska ee magaalada Bahir Daar ee caasimadda dowlad deegaanka Amxaarada.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xabbadu ay socotay muddo saacado ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay la socoto warar sheegaya rasaas ka dhaceysa gudaha magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegeysa in uu fashilmay qorshe la doonayay in lagu qaarijiyo barasaabka gobolkaasi Amxaarada oo daacad u ah ra’iisalwasaare Abiy Axmad.

Ciidamada milatariga dalkaasi Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in la geeyay magaaladaasi.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray xisbiga haya talada gobolka Amxaarada ayaa inqilaabkaasi fashilmay ku eedeeyay taliye hore oo ka tirsanaan jiray ciidamada oo xabsiga lagas oo daayay markii uu xukunka dalka la wareegay Abiy Axmad.

Dhacdadan ayaa muujineysa xasillooni darrada ka jirta qeybo badan oo ka tirsan dalkaasi Itoobiya.

Ra’iisalwasaare Abiy ayaa saandkii la soo dhaafay la wareegay xukunka dalkaasi ka dib muddo saddex sano ah oo muddaharaadyo ay ka dhacayeen qeybo badan oo dalkaasi ah, kuwaa oo sababay in uu xilka iska casilo ra’iisalwasaarihii isaga ka horreeyay.

 

Abiy Axmad ayaa xabsiyada dalkaasi ka sii daayay dadkii u xirnaa arrimaha siyaasadda, waxa uuna xayiraaddii ka qaaday xisbiyada siyaasadeed ee horey mamnuuca ka ahaa dalkaasi, waxaana sidoo kale maamulkiisu uu maxkamad soo taagay shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahay in ay geysteen gaboodfalyo ka dhan ah xaquuqul insaanka.

Balse rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha kala geddisan ee dalkaasi ayaa ka billowday qeybo badna oo dalkaasi ah oo gobolka Amxaarada uu ka mid yahay.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in rabshadahaasi ay ku barakeceen ugu yaraan 2.4 milyan oo qof.

Dalkaasi Itoobiya oo dadkiisu lagu qiyaaso 100 milyan ayaa sanadka dambe lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyinka baarlamaanka.

Waxaana soo baxayay baaq ka imaanayay kooxaha mucaaradka oo dalbanayay in doorashadaasi ay dalka ka dhacdo xilligii loogu tala galay inkastoo qeybo badan oo dalkaasi ay ka jiraan barakac iyo rabshado.

 

@BBCSomali