Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Geerida Gaddaafi iyo habkii loo helay

Tripoli, (SLpost)- Wararkii ugu dambeeyey ee laga helay dalkaasi Libya ayaa caddaynaya in hoggagamiyihii Libya Mucamar Gaddaafi la dilay ka dib markii ay xoogagga mucaaradka qabsadeen magaaladii uu xogga ku lahaa muddada badan ee Sirte.

Iyada oo wararka dhimashadiisa ku saabsan ay dhex-qaadayaan dalkaas iyo dhammaanba adduunka, waxa la baahiyey sawirro muujinaya Gaddaafi oo wada dhiig ah.

Waxa la sheegay in meydkiisa laga soo jiiday meel buundo ah hoosteed halkaas oo uu isku qarinayay ka hor intii aan la toogan. Qaar ka mid ah dagaalyahannada mucaaradka ayaa sheegay in markii ay gacanta ku dhigeen uu ka baryey inay u naxariistaan.

Raysalwasaaraha dalkaasi Libya Mahmoud Jibril ayaa mar dhawayd caddeeyey dhimashada Qaddaafi, “In badan ayaannu sugaynay fursaddan oo kale, waxaanan idiin cadddaynayaa in la dilay Gaddaafi,” ayuu yidhi Jibril.

Gaddaafi ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyey ee uu noloshii galaaftay mawjadda Gu’gii ka curtay dunida Carabta.

Askarta mucaaradka ayaa sheegay inay arkeen kolonyo baabuur ah oo isku dayey inay ka baxsadaan magaalada Sirte ka dib markii ay magaaladaas aad u duqeeyeen diyaaradaha NATO iyo weerarro ka imanayey mucaaradka, balse waxa hakiyey weerarro dhan walba lagaga keenay, waxaana lagu khasbay inay dib ugu laabtaan goobaha uu dagaalku ka socday.

In kasta oo Qaddaafi hore u dhaawacmay, haddana wax yar ka dib waxa laga helay isaga oo ku jira god ku hoos yaala buundo biyo-mareen ah. Waxa la sheegay in laga dhaawacay labada lugood, lamana garan karo in dhaawacu ka soo gaadhay diyaaradihii duqeeyey kolonyadii baaburta ahayd ee isku dayday inay magaalada ka baxdo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net