Warancade Oo La Sheegay Inuu Ka Noqday Aqbalaadii Wakiilka Somaliland Ee Itoobiya

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, ayaa ka noqday go’aan uu ku aqbalay inuu noqdo wakiilka Somaliland u qaabilsan Itoobiya.

waran-cade

 

Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijinayaan inuu la tashiyo badan ka dib go’aan ku gaadhay inaanu qaadan xilka wakiilka Somaliland u fadhiyi doona Addis Ababa, waxaanay wararku intaas ku dareen in Warancade Madaxweyne Siilaanyo gaadhsiiyay go’aankiisa cusub.

 

Warkan uu Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay  helay wuxuu sheegayaa in Warancade Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu u magacaabo la taliye islamarkaana uu masuul kale u magacaabo wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

 

Wargeyska Geeska Afrika ayaa isku dayay inuu Cali Warancade weydiiyo mawqifkiisa rasmiga ah iyo waxa ka jira wararkan, laakiin uma suurtogelin.

 

Hase yeeshee Cali Warancade, ayaa la sheegay inuu go’aankan cusub qaatay ka dib markii uu la tashiyo badan la sameeyay taageerayaashiisa, kuwaas oo u soo jeediyay inuu iska casilo xilkan.

 

Cali Warancade ayaa goob fagaare ah oo uu ku wareejiyay xilkii wasaaradda arrimaha gudaha wuxuu ku cadeeyay inuu isagu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday in loo magacaabo wakiilka Itoobiya islamarkaana uu aqbalay inuu qabto xilkaas, waxaanu markaas beeniyay warar soo baxay oo sheegayay inuu Madaxweyne Siilaanyo xilkaas ka diiday.

 

Somalilandpost.net