Warancade Oo Ka Hadlay Ciidanka Qaranka Ee Isbalaadhiyay, Xasan Sheekhna Ku Eedeeyay Waxyeelaynta Nabada Somaliland

Hargyesa(SLpost)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Somaliland u soo diray kooxo ka rida nabadgalyo daro, waxaanu xaqiijiyay in ciidanka Somaliland maanta uu is balaadhiyay.

Waxa uu sidan ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay xarunta wasaarada arimaha gudaha waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Xasan Sheekh waxa uu soo diray kooxo fadqalado ka rida Somaliland gaar ahaan gobalada bari isaga oo doonaya inuu waxyeeleeyo nabada Somaliland.kadib markii uu weerar soo qaaday ninkii u madaxda ahaa dawlad gobaleedkaas Somaliya Xasan Sheekh ee uu soo diray kooxo qas ka rida Buuhoodle iyo meelo kale oo dalka ah, ciidamada Somaliland waxay maanta ku ruqaansadeen tuulada Baligacad oo uu ku abaabulayay shirar ku lidi ah qaranimada Somaliland.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxay ciidamadu dhaqdhaqaaqa u sameeyeen inay nabadgalyadooda ay ilaaliyaan shacabiga deegaanadaas si aanay cid fidno wadaa aanay u soo galin, waxaan shacbiga deegaanadaas ku dhaqan ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamadooda, dhaqaaqaas ay ciidamadu dhaqaaqeena wax dhib ah kama ay dhicin. Somaliya waaxnu ka difaacayna qaranka Somaliland, laakiin waxaan xasuusinayaa dadka Cali Khaliif iyo dadka la socdaa waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo tabasho muujiyay, waxaanu u aragnaa inay yihiin dad dalkan xaq ku leh, diyaarna waxaanu u nahay inay waxay tabanayaan aanu uga wada hadano.”