WARAAQ FURAN OO KU SOCOTA PRESIDENT AHMED MOHAMED MOHAMOUD – W/Q: Eng. Axmed Xaaji Maxamed Biixi, Wasiirkii hore ee Macdanta iyo biyaha Somaliland – (Qaybtii 1aad)

eng.Axmed Xaaji Maxamed BiixiEebow, igu maneyso samir haddaan waxa qaldan sixi kari waayo, i sii kudhac aan ku toosiyo waxa aanan aqbali kari waayo.

A) DIB U EEGID TAARIIKHEED

1. Hordhac

Sababta aan uga  baxsaday 1974 Siyaad Bare rajiimkiisa, aniga  oo ahaa Maamulaha (Chief Geologist) Somali Republic Geological Survey, waxay aheyd markii dhacdooyin badani igu dhaceen oo aan shaqadaydii wadanka uu hayey wadi kari waayey.

 2. Dhacdadii Koowaad

Colonial Administration waxaynu ka dhaxalnay qalabka lagu baadho macdanta oo ay ka mid tahay microscope (weyneeye) oo dhagxaanta lagu eego. Xafiiska Xamar ee jolojiga ayaa i weydiistay in aan microscopkii keli aha ee aanu haysanay Xamar u dirowaxaanay ahayd wax aan aad ulayaabay. Waxaan ku andacooday in ay microscope cusub ka iibsadaan projectka oo UNDP  maalgelinaysey.Wakhtigaa  Lufthansa ayaa u ka  gooshi jirtay wiigiiba laba jeer Xamar iyo Frankfurt.Waxaan ka codsaday inay microscopkan noo daayaan si aanu dhagxaatan ugu baadhano. Maamulihii Jolojiga ee xamar fadiyey wuu ku adkaystay inaan microscopka u dhoofiyo Xamar. Muddo laba bilood kadib ayaan Xamar shaqo u tegay waxan arkay micoscopkii oo meel yaala oo aanay cidina isticmaaleyn. Dib baan u soo ceshaday(Hargaysa ayaan keenay) si annu u isticmaalno. Muddo yar dabadeed baan helay waraaq canaan iyo hanjabaad isugu jirta iyada oo lagu andacooynayay in aan ah gobolayste(regionalist).

      3. Dhacdadii labaad

Maalin baa xifiiska waxa iigu yimi koox ka tirsan sirdoonka rajiimka Siyaad Barre. Waxanay doonayeen buug cinwaankiisu yahay “General Survey of the Somaliland Protectorate (1944-1950) oo u qorey John Hunt in aan u dhiibo. Markaan weydiiyey waxay u rabaan buugan waxay iigu jawaabeen in qabaailka Somaliland  degaan ku xusan yahiin qabiilkiina la tirtiray. Waxaan u sheegey in cilmiga buugan ku duugan  qiimihiisa aan la qiyaasi karin. John Hunt oo jolojista ahaa buugan waxa  ku soo urruriyey diraasado badan oo sameynaya biyaha, cimilada, beeraha, degaanka, iyo jolojiyada dalka. John wax oo ka soo bilaabay sahankiisa jooloijiga(Geological Survey) Zeylac waxnu lug ku maray ilaa buuraha badhan isaga oo shanta subaxnimo billaabijiray sahankiisa(field work)  soo na noqda lixda fiidnimo. Habeekiina inta badan wuxuu qorijirey diraasad maalmeedkisa. Dhulka baaxadaa leh muddo laba sanno ah ayuu ku marey lug isaga oo qalabka jooljiga awori u xambaarsantahay. Wuxuu aad u hormariyey cilmiga jolojiga Somaliland. Waxaanan odhan karaa in uu ahaa aabaha jolojiyada dhulkeena.

Koxdii sirdoonka  waxay ku adkeesteen in ay gubaan 26 buug  aan hayay. Waxaan ka codsaday inay hadaba ka jeexdaan bogaga ay qabaa’ilku ku xusanyihiin. Waxaan u tibaaxay in ay haboontahay in qof waliba ogaado isirkiisa oo afka qalaad lagu yidhado “genealogy”. Waxaan ku doodey maxaa ku jaban in aan ogaado reerka aan ka soo jeedo,tusaale ahaan beesha Ciidagale inta ay u qaybsanto iyo taariikha qabiilkaas dhib maleh hadii la ogaado oo keliya. Waxa jira nin wakhtiigi cubudiyada (slave tirade) jirtey laga soo afduubey qooriga Galbeedka Afrika. Markii uu ninkaasi weynaaday sanado badan ayuu ku wareegayey dalka Nigeria si uu u ogaado isirkiisii. Waxa uu qoray buug caan ah oo cinwaankiiso yahay”Roots” oo micnihiiso yahay “Isir”. Waxaan xasuusiyey in Quraankeena kariim ahi inoo sheegey in qabiilka laysku garto laakiin aan lo isticmaalin si cunsuriyad ah. Way iga garowsan waayeen  doodaydii. Lix iyo labaatankii buug ee aan hayeyna wey qaateen oo wey gubeen.

4. Dhacdadii Sadexaad

Todobatanadii waxay Somaliland la heyd 4 kooxood (parties) oo sahanada Jolojiyada si firfircoon dalka oo dhan uga baadhi jiray macdanta. Diraasad badan wey ku guulaysteen. Macluumaadkii la ururiyey wey lumeen cid ka daba taktayna majirto. Bishii March,1974 ayaan mushahaaradii u qaaday kamp  degan  agagaarka tuulada Minjacaseeye. Markaan mushaharadii bixiyay baan ku soo noqday Berbera oo aan Habeenkii u hoyday. Subaxdii baan ka soo kalahay. Abdal meel ku dhow ayaan ku la kumay kox Ruush ah oo ka shaqeen jirey buuraha Siimodi. Koxdaasi waxay wateen 3 baaboor oo waaweyn oo dhagxani ka booxaan. Markii aan wediiyey dhaxantan xagey ku wadaan waxay ii gu jawaabeen Raashiya ayaanu u direyna. Waxaan u sheeey in 5 kiilo oo keliya loo fasaxayo si ay u soo baadhan. Waxay iigu jawaabeen anagu fasax baanu heysanaa oo adiga amar kaa qaadan meyno.Markii aan Hargeysa soo gaadhay ayaan Maxamed Burrale oo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha wakhtigaa ahaa arrintii gadhsiiyey Wasiirkaasi waxa u ahaa wasiir hufan oo dacad ah, Dhowr maalmood dabadeed ayuu igu yidhi ariintaa ka naso.

Carqaladahaa aan soo xusay waxay igu qanciyeen in aanu dhalkani wadankeygii  ahayn. Cabdiraxmaan Sheikh Cali Saciid(Alla how naxariisto) oo Gudoomiyihi Maxkamadda Sare ee u horeyey ahaana isla markaana lawyer caana ahaa ayaa ii digay in lay xidhayo.Waxaan ku tashaday inaan haajiro.. Muddo yar dabadeedna aniga oo Mareykan jooga ayaa dil lagu xukumey.

5.  EEDAYN MUCAARADINIMO (Xukuumada A.M.Maxamuud Siilaanyo)

  1. Fahamdaro ku saabsan diraasad Cilmiyeed oo Aan Sameeyey.

Dhowr diraasadood oo ku saabsanaa cimiladda, biyaha iyo degganka ayaan natiijoyinkoodii qoraal ku soo saarey. Macluumaadka ama xogta ka soo baxada diraasadaa cilmi baadhis waa waajib in la faafiyo si bulshada iyo xakuumaduba  macluumaadka uga faa’iideystaan.  Diraasadani waa muhiim oo waxay tilmaamaysa meelaha degganku sii xumaanayo iyo isbadalka cimilada iyo roobka Somaliland. Mucaridnimada laygu eedaynayaa waa daraasad aan sameeyey oo ciwaankeedo yahay “Falanqeynta Isbedlka Roobka Somaliland Iyo deaggaanka Howdka oo sii xumaanaya”. Hay’ada u qaabilbsan cimilada, biyaha iyo degganka Somaliland oo la yidhaaho SWALIM ayaa diraasadan aad uga cadhootay. Waayo waxaan dhaliilay horumarinta biyaha iyo degaanka ee Somaliland. Sawiro tusaya xaalad Howd ku suganyahey quraal dame bey ku xusan yihiin.

 2. Codsi la kulan Madaxweynaha oo Mucaaradad lagu shabadeyey

Muddo sanad iyo dheerad laga joogo ayaa bulshada Reerka aan ka soo jeedaa (Reer Daahir)shir ku qabsatay magaaladaHargeysa. Shirkass oo ujeedadiisu aheyd danaha Reerka ugaarka ah sida tacliinta iyo adeegyada loofidinayo dadka ku tabaaleysan dalka iyo caasimada Hargaysaba ayaa laygu casuumay si aan taladayda uga dhiibto.Waxa la sooqaaday cabashoyin yaryar oo aan badneyn in Madaxweyna la gaadhsiiyo. Marna shirkaas ujeedadiisu may ahayn in xukuumada mucaarid lagu noqdo. Guddi baa la doortey anigana gudoomiye ayaa lay doortey.

Cabashooyin aan badneyn ayaa gudidii ka fursan weydey in ay ka arinsadaan isla markaana  Madaxweynaha u gudbiyaan.Hadaba adigu dadka oo dhan baad Madaxweyne u tahay. Xaq bey u leedahay islaanta caanaleyda ihi in ay ku arki karto oo waxii dhibato ah ay qabto ku soo gaadhsiin karto mar hadii maamulkii gacantaada ku soo aruuray oo dhulkii kale ee wax loo sheeganlahaa aanay shaqadoodii ka soo baxayn. Ruuxa ku doonaya inuu ku arko jidkasba ha kuu soo maree  mucaarid maaaha ee yaan sikale laguu tusin. Wasiir Xirsi ayaanu isku daynay inaanu la kulano si uu cabashooyinka reerka ku soo gadhsiiyo. In aanu la Kulano Wasiir Xirsi wey noo suurageliweydey bal adiga dhaafoo. Waxaan u tagney Maxadweyne ku Xigeenka(MX), Md.Abdirahman Abdallahi Ismail Saylic) si uu arjigii aanu qorney ku soo  gaadhsiiyo balana nooga kaa so qaado. Madaxmeyne kuxigeenku wuu naga aqbalay in uu arjiga kuugu soo gudbiyo balana nooga kaaso qaado.

Arrintii  si xun  waxa u soo farogeliyey nin layidhaahdo “Ganey” oo xukoomada ka tirsan iyo koox kale u oo uu hogaaminayo oo reerka katirsan. Gudidayadii ayuu weerar siyaasadeed ku soo qaaday  Shir balaadhan oo reerka dhexdiisa ah ayuu Ganey iigu hanjebey kuna dhawaaqey in aan iscasilo sababtana  wuxuu ku sheegay arjigii ayaanab Xirsi soo marin(laakiin anaga sababtayada may ahayn ee Xirzaanu waynay.. Shirka dhexdiisii buu ka yidhi maxaad u marteen Madaxweyne kuxigeenka. Shirka  dhexdiisii iyuu ka yidhi haldalo cunsuriyadaysan  oo ku lidi ah  Madaxweyne kuxigeenka.  Waxaan ku idhi waxaad ku hadashay waa cunsuriyad  loomana baahna, Madaxyene Ku Xigeenkana waa la doortay ixtiraam iyo xushmo ayuu inaga mudan yahay aflagaado  noocaasina lo ma baahna.

In aan doonaynay in aan kula kulano waxa cadeynaysa in aan ka codsaday Md Cabdoo Aayir, Badhasaabka Awdal, in uu balan iigakaa soo qaado. Haddii shirka reerku qabsoomi laha waxay i siin la heyd fursad aan qoraalkan toos kuugu soo gudbiyo. Mucaaridnimada laygu shaabadeeyey waxay sababtay in mansab consultant ama lataliye oo aan khibrad u leeyahay oo xaga biyaha ah oo aan filayey ku waayey. Muwaadin xataa haddu mucaarid yahay shaqo uu xalaal u leeyahay lays kama hor taagi karo. Waad xasuusantahay fadeexadii Madaxweynihii hore Md Riyaale ka soo gaadhay markii uu is hor taagey shaqadii xalaasha aheyd ay ku gooleysatay Marwadaadu Aaminaweris.

Anigu nin sayntist baan ahay. Wasiirnimadii aan qabtay u maan howl gelin ama maan raadsan ee madaxweynihii hore  Marxuum Egal (Alla how naxaariistee) ayaa wafdi khaas ah (Envoy) iigu diray inaan warbixintii uga keeno shirkadii haysatay laysanada shidaalka Somaliland.Wuu jeclaystay warbixintii aan u keeney oo aheyd in Conoco Oil Co. doonayso  in ay soo noqoto  oo  howl  shidaal baadhis ka bilawdo Somaliland. Haddanu dagalkii sokeye dhicina wey soo noqon la haayeen.. Laba bilood horteed inta aanu ku dhawaaqin wasiiradiisa ayaan ogaa inaan wasiirka Macdanta jyo Biyaha noqonayo.

Madexweyne dalku xaq gaar ah ayuu ku leeyahey inaga iyo kuwo badan oo wax ku bartay hantidii dalka.Kharashkii ku baxay digriyada BA iyo MA waxa bixiyey dalka. Anigana wuxuu iga bixiyey kharashkii aan ku qaatay digrigaygii hore ama shahaadadaydii(BSc).

La Soco Qaybta Labaad….

Eng.Axmed Xaaji Maxamed Biixi..Wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha Somaliland