“War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa tallaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyadda Somaliland” – Xukuumadda JSL

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag u cambaareysay war-murtiyeedyo ay si wada-ir ah u soo saareen Qaramada Midoobay iyo daneeyayaasha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya oo todobaadkan ka hadlay qorsheyaashooda taageerada Doorashooyinka Soomaaliya, kuwaa soo lagu soo daray Jamhuuriyadda Somaliland.

War-murtiyeed laga soo saaray warbixin uu todobaadkan Golaha Ammaanka ka jeediyey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa lagaga hadlay qorsheyaasha iyo ku-talo-galka Beesha Caalamka ee khuseeya Doorashooyinka la qorsheeyey inay dalkaasi Soomaaliya ka qabsoomaan sannadka 2020-ka, waxaana qorsheyaasha lagu soo daray ka mid ah Qodob lagu sheegay, ‘Nidaamka Xulista Qoondada Kuraasta ee Somaliland ka helayso Soomaaliya’, taas oo xukuumadda Somaliland ku tilmaantay xad-gudub meel-ka-dhac ku ah Madax-bannaanida dalkeeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland maanta oo Arbaca ah, ayaa lagu sheegay inay war-murtiyeedkaasi yahay mid lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay war-saxaafadeedyo xilliyo kala duwan ay si wadajir ah u soo saareen Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (UNSOM), iyo daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya.

War-saxaafadeedyada ku kala taariikhaysan 28 January 2020 iyo 25 February 2020 waxa lagaga hadlay arrimo khuseeya doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale waxa lagu xusay wax loogu yeedhay ‘’Nidaamka Xulista Qoondada Kuraasta Somaliland’’.

Somaliland waxa ay hormuud u tahay dimuqraadiyadda Geeska Africa. Waxa marar badan
Somaliland ka qabsoomay doorashooyin ay goobjoogayaal caalamka daafihiisa ka kala yimid ka markhaati kaceen in ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

Dawladda Somaliland waxa ay daneeyayaasha doorashoooyinka Soomaaliya uga digaysaa in ay ku xad gudbaan Madaxbannaanida iyo Qarannimadda Somaliland.

War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa tallaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyadda Somaliland.

Ugu dambayn, Dawladda Soomaliland waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland waxa ay aaminsan tahay in isku-day kasta oo arrintan la xidhiidhaa ay gobolka ku keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net

somalilandpost.net