WAR-SAXAAFADEED: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka hadashay Safarkii Madaxweynaha ee Itoobiya iyo Kulankii Farmaajo

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya uga mahad-celisay marti-qaadkii uu u fidiyey madaxweynaha Somaliland iyo soo-dhawayntii lagu qaabilay weftigii uu hoggaaminayey ee todobaadkan socdaalka ku tagay dalkaas.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamig ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Axmed Cumar Cilmi, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo saddex maalmood ah booqosho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ka soo qayb galay kal-fadhiga 33aad ee Ururka Midawga Afrika.

Waxa kale oo ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku kulmeen xafiiska Ra’iisul  Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

Waxa ay xukuumadda Somaliland Mahad-naq u jeedisay Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya iyo madaxda qaaradda Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay u mahadnaqaysaa Dawladda Jamhuuriyada Dimuqraaddiga Federaalka Itoobiya, Gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Dr. Abiy Ahmed sidii milgaha iyo sharafka badneyd ee loo gu soo dhaweeyey waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland muddadii uu ku sugnaa dalka Itoobiya.

Waxa kale oo ay Dawladda Somaliland, si mug leh ugu mahadnaqaysaa Hogaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ay kulamada ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Midawga Africa.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Arbacadii shalay markii weftiga madaxweynaha oo uu ka mid ahaa soo gaadhay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa Saxaafadda si kooban ula hadlay, ayaa sheegay inaanu kulanka labada madaxweyne ahayn mid qorshaysnaa, balse uu ahaa iska kulan caadi ah oo aan wax xasaasi ah oo lagaga hadlay jirin.

 

Somalilandpost.net