War-Moog (Hees) – by Baadi-doon

Bishu Inay Bishii Tahay
Bulshadanina Tii Tahay
Boos Cadaagu Kii Yahay
Baytal Mayga Ugu Riday
Hore Madax Banaanida
Bajaajkuna Kuwii Yiin
Shirkan Yurub Ku Baaqdiyo
Balankanina Kii Yahay
Xornimada Bilaa Sharad
Diiqo Ugu Bixiseen
Badhbaa Shicibka Qeydhin
La Baxnaaninaayee
Madaxdii Bisayl Tahay
Ma Ogtahay Baraad Laay

Mise Bayd Go Aagaad
Badhbadhaadhnay Leedahay
Waxaad Baafinaysaa
Baashuu Aano U Ahaa‎
Looma Baadidoonine
Ma Kuwii Bilaa Sabab
Birta Kaala Daalee
Ku Baabiiyay Shalaytaad
Boqonkaa Inuu Go Ay
Maantana Baryayasaa
Booleeya Mooyee
Walee Turub Ma Barataan
Bacaleel Had Iyo Jeer
Talo Lala Bariiqdiyo
Ma Kuu Baylah Uunbaa
Goormaad Baraarugi
Ma Col Soo Balaadhoo
Idin Beegsanayaad
Iska Baaadhiyaysaan
Bi Waa War Moogeey
C.C.C .”Baadi-Doon”