War-laliye Radio Hargeysa u Sahlaya in laga dhegaysto Adduunka oo dhan oo maanta dalka soo Gaadhay

Berbera (SLpost)- Warlaliye awooddiisu dhan tahay 100 Kilo Wat isla markaana loogu talo galay daacada Radio Hargaysa oo dalka oo dhan wada gaadhaya ayaa Maanta laga soo dejiyay Dekada Magaalada Berbera.

Warlaliyaha Idaacadan oo ku jira laba konteenar ayaa waxa isaga oo ku sugan dekedda magaalada Berbera ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Faysal Cali Sheekh oo sharaxaad ka bixiyay Idaacadan Cusub ee Radio Hargaysa Waxaanu sheegay inay ka mid tahay balanqaadyadii xisbiga Kulmiye ku galay Tartankii Ololaha doorashada Madaxtooyada ee ku wajahnaa sidii ay dalka u keeni lahaayeen idaacad weyn oo wadanka guud ahaantii iyo dalalka kale ee mandaqada laga dhagaysto waxaanu ku bogaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhabeyay balanqaadkaas, taas oo shuruud u ahayd ayuu yidhi agaasimaha guud aqoonsi ay Somaliland ka  hesho aduunka.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafintu wuxuu ummada Somaliland ugu bushaareeyay inay rumowday balanqaadkaas isla markaana ay haatan kadib heli doonaan wixii War iyo Wacyigelin ah ee ay uga oomanaayeen idaacada radio hargaysa,waxa uu agaasimuhu intaas ku daray in keenista idaacadan ay u mareen dhamaanba qawaaniinta inoo dejisan kuna bixiyeen qandaraas iyadoo laga keenay ayuu yidhi wadanka Shiinaha.

Faysal Cali Sheekh waxa uu tilmaamay in idaacadan la soo tijaabiyay kuna rajo weyn yihiin inay dalka yimaadaan 18 injineer oo ka socda shirkadii soo samaysay idaacadan waxaa kale oo uu  intaas raaciyay inay afartan maalmood gudahood lagu rakibo doono idaacadan.

Maareeyaha  dekeda Berbera Inj Cali Xoor xoor ayaa dhiniciisa ka sheegay inay deked ahaan u fududeeyeen maamulka Wasaarada Warfaafinta sidii ay Warlaliyahan Cusub u gayn lahaayeen Magaalada Hargaysa waxa uu maareeyuhu amaan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo guulaystay ayuu yidhi inuu dalka keeno Idaacad wada gaadha guud ahaan Somaliland iyo Mandaqada ay ku taalo.

SLpost News