War-lalis lagu ballaadhinayo baahinta Radio Hargeysa oo soo Gaadhay Wasaaradda Warfaafinta iyo Masuuliyiinta Wasaaraddaas oo ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee JSL Mudane Boobe Yuusuf Ducaale oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka hadlay Idaacadii weyneyd oo soo gaadhay magaalada Caasimada ah ee Hargaysa.

Mudane Boobe Yuusuf Ducaale oo warbaahinta ugu waramayey xarunta wasaaradda warfaafinta wax yar ka dib markii ay kolonyada gaadiidka ah ee idaacada siday ay soo gaadheen halkaasi ayaa waxuu sheegay in maanta ay umadda Somaliland u tahay maalin taariikhiya isla markaana aynu helnay idaacad 100 KW ah oo umadda Somaliland leedahay.

Wasiirku waxuu xusay in imaatanka idaacadani qayb ka yahay fulinta balanqaadadii xisbiga Kulmiye ee dhinaca warfaafinta, isagoo sidoo kale kula dardaarmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda inay u guntadaan siday uga midho dhalin lahaayeen himilada warbaahineed ee dalkani lahaa, una dhacsiin lahaayeen bulshada in idaacadan ay iyagu leeyihiin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta JSL Mudane Faysal cali Sheekh oo isagu Idaacadda ka soo qaaday magaalada Dekedda ah ee Berbera ayaa isna xusay marxaladihii kala duwanaa ee doonitaanka idaacadani soo martay iyo baahidii loo qabay mudadii 21 sano ahayd ee u dambaysay.

Mudane faysal Caki Sheekh Maxamed waxa uu tilmaamay in waqtiyo badan oo hore lagu guuldaraystay in idaacad noocan ah dalka la keeno laakiin Xukuumadda maanta jirtaa ay tahay midda ku guulaysatay in idaacad dalkoo dhan wada gaadha la keeno.

Mas;uuliyiin ay ka mid yahiin Agaasimaha Idaacadda radio Hargaysa  Siciid aadan Cige, Agaasimaha TV-ga qaranka Axmed saleebaan dhuxul iyo agaasimaha maamulka Tv-ga Xasan Maxamuud Muxumud oo dhamaantood ka hadlay imaatinka idaacadda weyn ayaa tilmaamay in dhowaan ay shaqo geli doonto idaacaddu, waaxyaha wasaaraduna diyaargarow u galeen sidii ay u hanan lahaayeen idaacaddan.

SLpost News/Hargeysa