“War Iskuma Hayaan Dhalinyaradda Somaliland Iyo Boobka Dalka Ka Socdaa” Musharax Jamaal

Hargeysa(SLpost)-Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumadda uga digay kacdoon dhalinyaro, isaga oo ku eedeeyay musuq iyo boobka hantida umadda oo aan la kala qarsanayan.

Waxa uu sidan ku sheegay Jamaal Cali Xuseen qoraal kooban oo uu soo galiyay bogiisa Facbook,waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “War Iskuma Hayaan dhalinyaradda Somaliland dareen kooda dhabta ah iyo odoyaasha Saleebaan hogaaminayo ee doonayo in ay mar kale dulmi Ugu hiiliyaan xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Siilaanyo Oo doonaysa inay si badheedh ah u iibiyaan Dhamaan hantidii qarankani lahaa Oo imika la maraayo Haamihii keydka shidaalka ( national security). Xukuumaddan wakhtigeeddii dhaafay Walee war uma hayso cadhadda iyo dareenka dhabta ah ee dhalinyaradda Somaliland ee bilaa shaqada iyo bilaa rajadda ah ee ay hantidoodii ku takri falayso habeen iyo maalin si badheedh ah ay Inta Xukuumadda ugu sareeysaa ugu hor boobayso. Walee war la Iskuma hayo Oo wax badso wax beel bay dhashaaye; Waar yaa tollow u nasteexeeya Oo ku yidhaahda ” Waar dalka sidan ka daaya kolay if iyo aakhiraba waa seegteene” Markan kacdoon Dhalinyaro ayeey xukuumaddani Halis u tahaye bal Weynu eegi halkuu kibirkaasi la maro.”