WAR DEG-DEG AH: Mucaaradka Liibiya oo Sheegtay inay Gacanta ku dhigeen Qaddaafi

Tripoli, (SLpost)- Mucaaradka Dalka Libya ayaa sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Mucamar Qaddaafi, in kasta oo aanay caddayn inay qabteen isaga oo nool iyo inuu dhintay.

Waxa la sheegayaa in hoggaamiyihii hore ee dalka Libya laga helay isaga ooku jira god ku yaala badhtamaha magaalada Sirte ka dib dagaal weyn oo magaaladaas ka dhacay ay mucaaradku gacanta ku dhigeen.

Mid ka mid ah dagaalyahannada Mucaaradka oo lagu magacaabo Mohamed Al Bibi ayaa u sheegay war-fidiyeennada in markii ay qabanayeen Qaddafi uu ku calaacalay, “Ha itooganina, ha itooganina,” dabadeedna uu is-dhiibay.

Si kastaba ha haatee, ma kala cadda in wakhtigan xaadirka ah uu Qaddafi nool yahay iyo in kale. Waxa jiray warar badan oo laga helayo warbaahinta Carabta oo sheegayey inuu u dhintay dhaawacyo ka soo gaadhay lugaha.

Sawirka Mobile-ka lagu qaaday oo muujinaya Qaddaafi oo Maydkiisa la wareejinayo in yar ka hor shaacinta warka

Sawir lagu qaaday telefoonka gacanta in yar ka dib markii warkan la sheegay ayaa muujinaya  Mucamar qaddaafi oo isaga oo jidhkiisu wada dhiig yahay gacanta ugu jira mucaaradka.

Wa la fahamsan yahay in loo qaaday cusbitaal ku yaala magaaalada Misrata.

Mucaaradku waxa ay sheegayaan inuu ku hubaysnaa baastoolad dahab ah markii la helay waxaanu xidhnaa dharkii lagu yaqaanay ee isku ekaa.

Sarkaal ka tirsan golaha ku-meel gaadhka ah Abdel Mahjid Mlegta ayaa yidhi, “Qaddaafi waxa laga haleelay madaxa. Waxa kale oo jiray iska caabbin ka timi koox la socotay, waxaanu ku dhintay weerarkaas.”

Wararkan sheegaya qabashada Qaddaafi ayaa ku beegmay isla maalinta ay xoogagga kacaanku sheegeen inay gacanta ku hayeen dhammaan magaalada Sirte, oo ah meesha uu Qaddaafi u dhashay.

Wararkii hore ee ku saabsana qabashadiisa oo laga helay telefishanka CNN iyo golaha ku-meel gaadhka ah ayaa sheegay in Qaddaafi uu xabsiga ku jiro, halka Al-jazeera ay soo warisay in gacanta lagu dhigay Kalluun weyn laakiin aanay magacaabin.

Al Jazeera markii dambe waxa ku soo biirtay Al-Arabiya oo sheegaysa in Gaddafi la dilay, laakiin faahfaahin intaas ka badan kamay bixin.

Sky News ayaa iyaduna soo tabisay in Gaddaafi laga dhaawacay labada lugood ka hor intii aan la qaban. Waxaanu xidhnaa dirayskiisii milatariga ee lagu yaqaanay.

Sarkaal ka tirsan Milatariga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefonka ugu sheegay: ‘Waa la qabtay Qaddaafi. Waxa laga dhaawacay labada lugood…. Waxaana lagu qaaday gaadhiga gargaarka deg-degga ah.’

Telefishanka Al Jazeera ayaa sheegay inay damaashaadyo waaweyni ka socdan magaalooyinka Benghazi iyo Tripoli, halkaas oo ay dadku isugu soo baxeen shaaricyada magaalooyinka iyaga oo qaylinaya, cirka ku ganaya rasaas.

Sarkaalka Milatariga ahi waxa kale oo uu sheegay in madaxii ciidamada Qaddaafi, Abu Bakr Younus Jabr, la dilay intii lagu gudo jiray qabashada Qaddaafi.

Waxa kale oo la sheegayaa in xoogagga mucaaradka ahi ay gacanta ku dhigeen wiilka uu Qaddaafi dhalay Saif Al-Islam.

Dhanka kale, waxa jiray warar kale oo sheegaya in diyaaradaha NATO ay duqeeyeen agagaarka gurigii uu Qaddafi ku jiray wax yar ka hor intii aan la sheegin wararka ku saabsan qabashadiisa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpsot.net