WAR DEG-DEG AH: Madaxweyne Siilaanyo oo Xil Wasiirnimo u magacaabay Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isku-shaandayn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada, isla markaana Xil wasiirnimo u magacaabay Hoggaamiyihii hore ee SSC Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye.’

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, madaxweyne Siilaanyo waxa uu Saleebaan Xaglo-toosiye u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta, halka wasiirkii Wasaaraddaas Cabdirisaaq Cali Cismaan loo beddelay Wasaaradda Warshadaha oo ku cusub dhismaha hay’adaha Xukuumadda Siilaanyo.

Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub, isla markaana wasiirkii hore ee Dib-u-dejintana u magacaabay wasaarad cusub.

 Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha

Qaranka,

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

 Markuu ku Qancay:  In uu hanan karo xilka loo magacaabay,

Wuxuu go’aansaday

1.        In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee JSL.

 2.      In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee JSL.

 3.      In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee JSL.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net