War Deg Deg Ah Diyaaradii Malaysia oo la tuhmay in Soomaaliya lagu haysto

Bangladesh(SLPOST)Wargeys la yidhaahdo Blitz oo kasoo baxa wadanka Bangladesh ayaa qoray war ku saabsan in diyaaradii laga lala aa dalka Malaysia ay suurto gal tahay inay soo qafaasheen koox Islaamiyiin ah loona  soo Afduubay dhanka Soomaaliya.

malaysia-airlines

Wargeyska oo soo xiganaya xubno ka tirsan military,ga Malaysia oo aanu magacyadooda shaacin ayaa waxa uu sheegeen in la tuhunsanyahay in diyaaradda ay leedahay shirkadda Malaysia Airlines ay gashay gacan koox afduubayaal ah oo aaney  la kulmin wax shil ah.

Saraakiishaan ayaa wargeyska warkan daabacay  u sheegay in la tuhunsan yahay in in koox afduubatay ay soo qabadsiiyeen  dhanka Soomaaliya.

Wargeyskan la yidhaah Blitz ee kasoo baxa caasimada dalka Bangladesh waxaa uu ku waramayaa in rakaabka diyaaradda saaran iyo diyaaradaba ay ku jiraan gacanta koox Islaamiyiin suurta galna ay tahay in Soomaaliya lagu haysto sida wargeyskani daabacay.

Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dawlada Malaysia iyo dawladaha kale eek u hawlan baadi goobka diyaaradaan la la’yahay mudada 5,ta cisho ah hase ahaatee waa uu jiraa tuhunka in diyaayarada la afduubay

Diyaaraddan oo nooceedu yahay Boeing 777 oo ay la socdaan 239 ruux  ayaa la waayay saacad kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Kuala- Lampur ee caasimada wadanka Malaysia waxaana ugu war dambeysay xilli ay dul maraysay hawada wadanka Vietnam.

 

Source-

BlITZ