Wali malaa meel dheer maynu eegin!

 

Wakhtiyadii hore. Maya maaha oo keliya wakhtiyadii hore ee illaa maantadaas aan hadlaayo. Ma hadlayee aan wax qoraayo adna aad akhrisanayso. Inaadeer bal is su’aaloo, maxaynu isu quudhsannaa oo aynu aqoonta fikir iyo fahan ee aynu adduun iyo arladeennaba la joogno isugu celin waynaa “Yacnii isugu dabbaqi waynaa (saamayn ay inoogu yeelan waydaa ayaan ka wada)”?. Bal eeg, wali arki maysid intii soomaaliyi wax soo baranaysay amma wax soo arkaysay, amase soo maqlaysay waxaa xal isula yimid koox ka kooban tiro oo dadkooda u fikiraya sidii wax looga beddeli lahaa. Yaab badanaa!.

Ka soo gudub, ninkii maqlay amma bartaybaa garane, wali cilmiyada la horumariyey ee maadi leh. Hadda annigu hooy diini ma gafaayo se kama hadlaayo. Ma jiraan cid sidii loogu talogalay uga faa’idaysatay amma isugu dabbaqday. Wali inna fikirkeenna si tolmoon ma u tijaabinay oo carruurteenna iyo innaguba ma hellaadin karaynaa rabitaankeenna msutaqbal iyo habka uu u eekaan karo? Wali qofna ma isu muuqday oo waxa uu yahay iyo waxa uu qaban karo mays waydiiyey, dabadeed inna intuu fikiray wax ma soo kordhiyay nolosha aynu ku saameelannahay lagaga tallaabo qadi karo? Ummadaha waxa u fikira dad, hadday noqoto siyaasad, aqoon, dhaqaale iyo nololba, wali in indheergarad, yaan odhan indheergarad kaliyee aqoonyahan ah oo tidhi ” Waar halkaas haddaynu marno waa hoge ka baydha, halkaas haddaynu marnana waa bannaan bilaa qodxo ah’e mara” ma jirtaa? Nolosheennii waxay marti u tahay aqoondarro, horusocod la’aan, dhimasho, gumaysi maskaxeed, siyaasadxumo, dhaqan la’aan iyo fikir la’aan guud, maxaa aynu ku gaadhnaa inta inooga hadhay neefta oo is beddel aynu ka dhiganaa wali ma laysk waydiiyey? Haddaan dhammaan su’aalahan lays waydiin amma lays waydiiyey ba, yaa fullin iyo fahansiin ba ku leh doorkan warcelineed ee aynu rabno?

Cabdicasiis Ibraahin Ciise