Wali Ma Hargeysa Ayaad Joogtaa?

Ereyadan ku xardhan halka sare waxa markasta isticmaala dhalinyaradda ka tagay dalkoodii hooyo, isku banbixiyey Qaxoonti in ay u noqdaan dal aanay isku dhaqan ahayn isku midab ahayn isku diina aan ahayn, waxa ay ku hiya kiciyaan dhalinta aamintay dalkood ilaaahay ka buuxiyey quluubtoodda qanaaco kuna kalsoon waxa uu alleh dalkooda ku siiyo.

Waxa aan hore u maqli jiray uun “waa yaabe hadana yaabka yaabkiiye” dalkoodii ay u dhashayn bay ka door bidayaan qoxoontinimo taaasi waa yaabe hadana intaaas kuma xadaysna’e waxa ay waxa ay dadaal dheer ku jiraan sidii ay uga soo bixin lahaayeen dhalinyaddi joogtay dalkooda taasina waa yaabka yaabkiiye,

Dalkan ay dhalinta dibad dhoofku ah ay ku dhiiri gallinayaan sidii ay dhalinta dal jooga ahi uga soo tahriibaan halakay waxa jira ku ahaayeen una soo banbaxaan dhibaatada iyo dhiifta uu leeyahay qaxoontinimadu.

Dalkii ay xoreeyeen waalidkood uguna tala galeen in ay ubadkoodu ay ku noolaadaa tacab iyo dalaal u hureen naftoodii ay qaar ku waayeen cududooddii, caqlikooddii, xoolahoodii iyo xubnahooddii qaar ka mida, ubadkii ay dhaleena waxa ka door bideen in ay ka tagaan dhadidkii waalidkood, aheey ah.

Howgii aan u dhashay ee hargaysa kama faano ee waxa aan ku faanaa in uu ilaahay hargaysa iga soo saaray, kama faanayo hargaysa inaan ku noolahay ee waan faanaya in aan wali joogo, waxa aan ka murug iga qabataa fartana dhexda ka qaniinaa markaan arko wiil ama gabadh ka faanaysa halkay u dhasheen.

 

W/QIdiris Cali Diiriye

Email idiriscalidiiriye@hotmail.com