Walaalkii Weynaa Weli Waa Uu Taliyaa

 

Wasaaradda RUNTU waxa ay leedahay dhisme qaab saddex-geesood ah u samaysan oo aad u ballaadhan, dusha sare ee gidaarka bannaanka u jeedana waxaa ku dhejisan boodh aad u weyn oo meel fog laga akhriyi karo, kaas oo ay ku qoran yihiin saddex hal-ku-dheg oo sees u ah dhammaan hawlaha kala duwan ee ay xukuumadda ‘Walaalka Weyn’ qabato, kuwaas oo faafintoodu ay ka mid tahay hawlaha ay wasaaradda RUNTU qaranka u hayso.

Hal-ku-dhegyadaas sida quruxda badan u qorani waxa ay kala yihiin:

  1. Dagaalku waa Nabad.
  2. Xorriyaddu waa addoonsi.
  3. Jaahilnimadu waa quwad.

Dhismahan wasaaradda RUNTU waxa uu ku fadhiyaa god weyn oo dusha ka daboolan, hoostana uu ka shidan yahay dab aad u xoog badani. Godkaas meel laga gala ma jirto, laakiin waxaa jira dalool yar oo lagu dul dhejiyey boodh ay ku qoran tahay “Godka Xusuusta” daloolkaas ayaana lagu ridaa dhukumantiyada muhiimka ah ee si uun dawladda uga hor iman kara ama mustaqbalka xujo ugu noqon kara, iyada oo marka lagu ridayo dadka dusha jooga oo xitaa shaqaaluhu ka mid yihiin ay moodayaan Aarkiifiyo xusuusta lagu keydiyo, laakiin runtu ay tahay in isla marka warqaddaas daloola lagu ridaba ay gubanayso.

Wasaaraddani waxa ay maamushaa warbaahinta, maadayska iyo fanka, waxa ay soo saartaa buugaag, qoraallo iyo barnaamijyo dadka la moodsiinayo in loogu talo galay in dadweynaha lagu baro, wadaniyadda, hab-dhaqanka suuban, dhaqanka iyo suugaanta, laakiin xikmadda runta ah ee dambaysaa ay tahay in la beddelo runta iyo xaqiiqooyinka si loo waafajiyo aragtida iyo damaca walaalka weyn iyo xisbigiisa. Marka waajibaadka qaran ee wasaaraddan la soo ururiyana waxaa waajib ku ah in ay ka shaqayso sidii ‘Walaalka Weyn iyo xukuumaddiisu ugu muuqan lahaayeen nidaam umaddan Alle ugu soo gargaaray, oo aanay suurtogal ahayn in uu mahlako iyo xumaan ku hoggaamiyo, ku talogal iyo kama’ midka uu doonaba ha ku timaaddo ee.

Inta aynaan soo gabagabayn hawlaha wasaaraddan aynu si kooban ugu noqonno Smith oo aynu hore u soo sheegnay in uu wasaarada RUNTA masuuliyiinteeda ka mid yahay. Waa shaqaale aad u firfircoon oo kartidiisa iyo xirfaddiisuba dhisan yihiin, weliba shaqaalaha kale waxa uu dheer yahay in uu yahay shakhsiyad kalsooni buuran ka haysata kuwa ku xeeran ‘Walaalka Weyn’ sidaa awgeed shaqadiisu wasaaraddan kuma koobna ee kuwo kale oo badan ayaa uu midba si uun shaqo ula wadaagaa. Si kastaba ha ahaato ee daacadnimada uu Smith u hayo xisbi xaakimka uu iska dhigo in uu ka mid yahay, oo aad u hoosaysa ayaa marar badan caqabad ku ah horumar kasta oo uu shaqadiisa ka samayn lahaa. Marka uu xisbiga dhex joogo ama Walaalka weyn ag-joogo waxa uu ku hadaaqaa magaca hoggaamiyaha, waxa aanu tiriyaa ammaantiisa, laakiin marka uu naftiisa la gaarka yahay waxa uu ku riyoodaa sidii uu uga hor iman lahaa Walaalka weyn waxa aanu ka fikiraa jid kasta oo uu ku hagar-daamayn karo, isaga iyo dadkana iskaga horkeeni karo iyada oo aan la dareemin, weliba dadaalkiisu cidlo ma dhacayo oo waxa uu xidhiidh qarsoodi oo mucaaradnimo ah la leeyahay qaar ka mid ah masuuliyiinta ku xeeran “Walaalka Weyn” oo qudhiisuna mucaaradad qarsanaya.

Xilka shaqo ee Smith ku magacaaban yahay waa karraani masuul ka ah waaxda diiwaanka iyo kaydinta ee wasaaradda RUNTA. Shaqadiisa ugu mudanina waa in uu dib u qoro dhukumantiyada taariikhiga, isaga oo si joogto ah uga beddelaya wax kasta oo khilaafsan khadka uu maanta ku socdo Walaalka Weyn iyo siyaasadda uu dalka ku dhaqayo ee isbed-beddelka badan.

  1. Wasaaradda NABADDA:

Wasaaradda Nabaddu waxa ay u shaqaysaa qaab u dhigan in ay tahay wasaaradda difaaca ee dawladda dalka Oceania, waxa aanay maamushaa noocyada kala duwan ee cidamada qalabka sida. Wasaaradda Nabaddu oo ah tan ugu firfircoon wasaaaradaha Oceania,  waxa ay mar kasta ka shaqaysaa xaalad abuur ka iyo in ay umadda si joogto ah ugu muujiso in dalku uu ku jiro xaalad dagaal iyo in dalka laga dhowro cadow ka xun horumarkiisa oo dullaan ku soo qaaday.

Kharash aad  u xaddi badan ayaanay ku leedahay miisaaniyadda oo ay ku maamushaa hawlahaas ay qabato.

Marka si hoose loo sii eego shaqada runta ah ee wasaaradda NABADDA ee uu Orwell sawirayo waxaa kuu muuqanaysa in ay tahay wasaarad difaaca qaranka iyo dagaalka cadowga u taqaanna u cago-juglaynta dadka iyo muquuninta cid kasta oo mucaarad ah. Masuuliyiinta wasaaraddani waxa ay aaminsan yihiin in dawladnimadu ay tahay shay cabsi badan ku haya dadkeeda sidaa awgeed waajibkooda koowaad ayaabay ka dhigtaan in muwaadin kasta la haddido, gacan bir ahna lagu qabto, xitaa haddii ay keensanayso in ficilka uu sameeyey iyo jawaabta ay wasaaraddu bixisay aad u kala xoog badan yihiin. Waxa ay aaminsan tahay in dawladnimadu ay sidaas tahay, dadkuna u baahan yihiin in sidaa qallafsan loola macaamilo si loo siiyo dersi dawladnimada ka mid ah.

Waxa kale oo ay wasaaraddani colaado ku qaadaysaa dalal kale oo dibadda ah, si aanu mar kasta xaalka colaadeed u damin, warbaahinta ay wasaaradda RUNTU maamushana waxaa habeen iyo dharaarba laga sii daayaa warar sheegaya guulo hor leh oo ay wasaaradda NABADDU u soo hoysay dalka iyo in dagaal kasta oo ay gasho ay iyadu ku gacan sarrayso kana khasaare yar tahay cadowga ay is-hayaan.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in wasaaradda NABADDU si ay raciyadda u fahamsiiso in magaceeda iyo hawlaheedu aanay isburinayn ay bilowday in ay ereyada nabadgelyada tilmaamaya laga beddelo macnihii hore oo hadda kadib dadka loo sheego in ‘Walaalka Weyni’ uu ogaaday in macnahooda runta ahi aanu sidaas ahayn.

Marka aynu soo koobno wasaaradda NABADDA warkeeda waxa aynu ku dhaafaynaa mabda’a qoran ee wasaaraddani ku shaqayso ee uu Walaalka Weyni u dejiyey oo ah, ‘Colaad aan dhammaad lahayn’ oo uu uga gol leeyahay in dalka lagu hayo xaalad colaadeed oo joogto ah oo haddana aan dadka noloshooda si toos ah u saamaynayn, balse sii xoojinaysa uun wadaniyadda iyo taageerada Walaalka weyn loo hayo maadaama oo loo arkayo in uu dalkii iyo dawladnimadii difaacayo.

Boodhka weyn ee wajahaadda hore ee dhismaha wasaaraddan ku dhejisanna waxaa faygar qurux badan lagu qoray, mid ka mid ah saddexdi hal-ku-dheg ee ku qornaa gidaarka wasaaradda RUNTA kaas oo ah, “Dagaalku waa nabad” Si dadka loogu sheego in nadabada la raadinayaaba ay Colaadda uun tahay, balse dadka qaar macnuhu ka qaldan yahay oo ay colaadda wa kale oo aan nabad ahayn ku fasiranayaan.

Wasaaradda Jacaylka:

Wasaaradda JACAYLKA  oo shaqada ay qaranka u haysaa ay tahay in ay ciqaabto cid kasta oo dadka wax ugu fasirta si ka duwan sida uu walaalka weyn doonayo ama fahamta wax aanu walaalka weyni fahmin, isla markaana ku dadaasha in ay maskaxaha dadka  ka maydha kalgacalku waxa ay u shaqaysaa qaabka wasaaradda amniga ama haayadaha sirdoonka ee dawladaha kale.

Wasaaraddan uu Orwell u bixiyey magacan cajiibka ahi waxa ay ka shaqaysaa hawlaha la xidhiidha kala fogeynta muwaadiniinta dhexdooda iyo in ay u kala fadhiisiso ardaayo ku dhisan qabyaalad, gobolaysi, deegaan, dabaqado dhaqaale, midab iyo wax kasta oo ummad qaybin kara.

Wasaaradda Jacaylka ee xukuumadda ‘Walaalka Weyn’ waxa ay leedahay waaxyo iyo faracyo u igman hawlo kala duwan, tusaale ahaan waxa ay leedahay qayb ka shaqaysa in muwaadiniinta ay ku kallifto in ay daacad u ahaadaan ‘Walaalka Weyn’ ma’aha daacadnimo jacayl ku imanaysa laakiin waa mid ku imanaysa sandullayn iyo muwaadinka oo cabsi baahsan oo dhan walba ah lagu beero. La soco…

Kamaal Axmed Cali