Walaalaha Ilma Toure oo laga yaabo inay seegaan kulanka FA Cup-ka ee Man. Utd ka dib diidmo kaga timi Ivory Coast

[stextbox id=”black”]SLpost Sports[/stextbox] – Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Cote d’Ivoire ayaa diiday codsigii Manchester City ay ku dooneysay in dib loogu dhigo xilliga Yaya Toure iyo Kolo Toure ay u ambabaxayaan xulkooda, taasoo la micno ah in labada ciyaaryahan ay seegi doonaan kulanka FA Cup-ka ee ay kooxdooda Maalinta Barri ah ay isku haleeli doonaan Manchester United.

Labada ciyaaryahan ee walaalaha ah ayaa Sabtida laga sugayaa Paris halkaasoo kulan ay ku leeyihiin xulkooda Ivory Coast, iyagoo tababar ku qaadan doona Abu Dhabi wixii ka danbeeya Axadda.

Si kastaba ha ahaatee, macalinka Ivory Coast, Francois Zahoui, ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoydiisa oo dhan uu filayo inay isu yimaaddaan 7-da bishan January, taasoo la micno ah in Mancini uu waayi doono labo ciyaaryahan oo muhiim ah kulanka Labada Manchester ee ka dhacaya Etihad Stadium. “Kooxuhu way yaqanaan sharciyada,” ayuu Zahoui u sheegay BBC Africa. “Waxaan ka filanayaa labada Toure inay ku yimaadaan xilliga FIFA ay u qabatay”

“Xulka qaranka Ivory Coast waxa hoggaamiya dad waxbartay oo aqoon leh, waxaana la yaabay dadka England jooga inay u maleeyaan sidii inaanan aqoonin sharciga FIFA ay u dejisay arrimahan oo kale,” ayuu yidhi tabobaruhu isaga oo raaciyay, “Marka aan halkan joogno oo aan ciyaartoygayaga u yeedhano, waxaan ka fileynaa inay soo xaadiraan, madaama ay tahay xilli ay FIFA u goysay. Marka aan u yeedhano, waa inay kooxuhu soo fasaxaan.”

“Tababarayaasha kooxaha waan u sheegay inaan rejo fiican ka leenahay koobka qaramada Afrika islamarkaana aan haysanno10 maalmood oo tababar ah.”

Somalilandpost Sports

sports@somalilandpost.net