Walaal Eebbe Dartii Ugu Gargaar 22 Sanno Jir Xanuunsanaya In Ka Badan 11-Sanno Kuna Nool G/Awdal. + SAWIRO

Maxamed Saciid waa 22-jir ku noolaa deegaanka Cali Xeydh ee gobalka Awdal, waxa uu la liitaa muddo ka badan 11-sanno xanuun soo tiray isagoo da’iidu aad u yareed xiligaasi kaasoo wajiga, afka & cunaha ka asiibay, xanuunkaan waxa uu sababay inuu guud ahaan hadli waayo isla markaana afka iyo carabka uu go’o go’o sida sawirada idinkaga muuqda, Bukaan Maxamed Saciid oo ah nin Dhalinyaro ah Mustaqabal wanaagsan oo dhanka Horumarka & Aqoonta ku taamaya inuu sameysto balse Ilaah Amarkii xanuunka 11-sanno kahor soo ritay oo ilaa iminka haya ayaa guud ahaan ka joojiyay hamigiisi, waxaana xanuunkan lagu arkay muddo iminka laga joogo 11-sanno ka hor.

Bukaan-Maxamed-Saciid (4)Maxamed Saciid waxuu kasoo jeedaa Qoys Danyar ah oo baadiyaha deegaanka Cali Xeyd ee gobalka Awdal ee Somaliland ku nool oo iskaba daayee inay Cusbitaal geeyaan ay ku adag tahay inay quutaan sadaxda waqti ee wax la cuno, iyadoo inta badan Dhaqaatiirta ka howl-gasha gudaha Somaliland oo muddo ka hor la tusay xanuunka haya Maxamed Saciid ay cadeeyeen in xanuunka haya uu yahay mid gudaha dalka waxba loogu qaban kareyn loona baahan yahay in si degdeg ah loo geeyo Cusbitaalada dalalka horumaray gaar ahaan kuwa Itoobiya & Kenya oo ay sheegeen in laga helayo Qalab cadeeya xanuunka haya waxa uu yahay.

Bukaan-Maxamed-Saciid (3)Xanuunka mudda 11-sanno ah haya Maxamed Saciid waxa uu ku keenay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii yaraato Maqalka & Aragtida waxaana hore ugu go’ay hadalka isagoo tilmaamo uun bixiya marka uu la hadlayo dadka la nool gaar ahaan Qoyskiisa oo ku nool miyiga gobalka Awdal ee Somaliland.

Maxamed Saciid waxuu si naxariis leh uga codsanayaa Walaalaha Soomaalida ah iyo Cid kasta oo Islaam ah oo ka danqaneysa Xanuunka xoogan ee mudda 11-sanno heysta inay gacan naxariis leh usoo fidiyaan si uu u helo Dhaqaale uu ku tago Cusbitaalada ugu dhow ee dalalka Kenya ama Itoobiya iskuna soo daaweeyo.

Bukaan-Maxamed-Saciid (1)Hadaba waxii tabarucaad ah ugu hagaaji Xawaaladaha Soomaalida, kuna Hagaaji Wakiilka Bukaanka Cabdifataax Axmed Maxamuud Oo Kamid Ah Dadka Kaalmada U Raadinaya Bukaankan sida weyn u xanuunsanaya.

Cabdifataax Axmed Maxamuud
Boorama – Somaliland
Tel: 002522-4502777
AMA UGU DIR ZAAD: 4502777