Wakiillada Oo Cod Ku Diiday Mooshin Wax Ka-bedel Iyo Kaabis Ku Samaynayay Xeerka Is-maamulka Gobollada Iyo Degmooyinka

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaannada golaha wakiillada ayaa cod gacan taag ah ku diiday mooshin wax ka bedel iyo kaabis ku samaynayay xeerka is-maamulka gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Fadhigii maanta ee golaha wakiillada oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudaneyaasha golaha ku wargeliyay inay golaha horyaallaan laba mooshin oo ku saabsan xeerka is-maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka iyo mooshin ku saabsan sicir-bararka sarifka lacagaha doolarka.

Ugu horeyn waxay mudaneyaashu guda galeen mooshinka ku saabsan is-maamulka gobollada iyo degmooyinka ee xeer No: 23, kaasoo hore mudaneyaasha loogu soo gudbiyay, ka dibna uu shirguddoonku u gudbiyay la-taliyaha dhinaca sharciga ee golaha wakiillada isaga oo eegayay inuu waafaqsan yahay xeer-hoosaadka golaha wakiillada iyo dastuurka dalka, isla markaana dib uu ugu soo celiyay golaha, waxaanay mudaneyaasha goluhu cod gacan taag ah u qaadeen xeerka is-maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo iyo sidiisii hore loo daayo, waxaanay aqlabiyadda goluhu isku raacday inaan wax ka bedel iyo kaabis midna aan lagu samayn xeerkaasi.

Guddoomiyaha oo natiijada cod-bixinta ku dhawaaqayaana waxa uu yidhi. “Mooshinka mudaneyaasha ogolaaday in kaabista iyo wax ka bedelka la ansixiyaa waa 21 mudane, mudaneyaasha diiday kaabista iyo wax ka bedelka mooshinku waa 25 mudane, waxa ka aamusay 6 mudane, guddoomiyuhu muu codayn, wax ka bedelkii iyo kaabista xeer No: 23 muu ansixin.”

Dhinaca kale, waxa golaha la horkeenay mooshin ku saabsan sicir bararka sarifka lacagaha, kaasoo uu mudaneyaasha ka hor akhriyay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

Somalilandpost.net