Wakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo Galabta Safar Shaqo ku yimi magaalada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wakiilka  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Dr. Augustine Mahiga ayaa Galabta Booqasho ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa isagoo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Wakiilka waxa Madaarka Caasimada ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr Maxamed C.laahi Cumar iyo xubno ka tirsan hay’adaha qaramada midoobay

Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ayaa ergayga ku soo dhaweeyay booqashada uu ku yimid Somaliland isagoo intaas ku daray in mudada uu dalka ku sugan yahay uu la kulmi doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo madax ka tirsan Golayaasha qaranka .

Augustine Mahiga oo qolka nasashada ee Madaarka ugu waramayay Warbaahinta ayaa ujeedada socdaalkiisa ku tilmaamay sidii uu ugu kuurgali lahaa dhismaha dawladnimo iyo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta waxaanu sheegay inuu xukuumada Somaliland kala hadli doono qodobadii ka soo baxay shirkii London ee Somaliland ka qayb gashay.

Dr Mahiga waxa uu xusay sida ay lama huraanka u tahay in Somaliland laga barto horumarka kala gedisan ee ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo la weydiiyay in safarkiisani uu ku salaysan yahay kadib markii dawlada Somaliland ay qaadacday wada hadal ay la gasho Somalia oo ay sabab uga dhigtay Markii Madaxweynaha dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia uu gudidii farsamo ee uu magacaabay uu ku soo daray laba xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland waxa uu sheegay in qorshaha ay ugu jirto qodobkani isagoo intaas ku daray inaanay jirin fariin gaar ah oo uu Somaliland u sido.

Augustine Mahiga oo la weydiiyay cida ka shaqaynaysa go’aamada iyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia waxa uu xusay in hawshan dhexdhexaadinteeda iyo mas’uuliyadeedaba ay wadaan beesha caalamka,hasa yeeshee aanu wax lug ah ku lahayn jaangoynteeda Madaxweynaha Somalia Sh.Shariif Sh.Axmed.

SLpost News/Hargeysa