Wakiilka Arrimaha Xajka ee Somaliland oo Is-casillay

 

Hargeysa(SLpost)- Axmed Aaden Dagaal (Axmed Safiina), oo ah wakiilka arrimaha xajka ee Somaliland, ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka uu hayay. Waxa uu madaxweynaha u soo jeediyay inuu caddaaladda ogaado, balse ma sheegin sababta uu isku casilay.

 

Safiina ayaa istaaqaladiisa ku sheegay qoraal kooban oo uu daqiiqado yar ka hor uun soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facebook, waxana uu u dhignaa qoraalkiisu sidan:

“Anigoo ah Ambasador ahmed Adem dagaal (ahmed Safiina) Safiirka somaliland ee arimaha Hajjka ee Sacuudiga Waxaan iska casilay xilkii safiir nimo ee Qaranka aan u hayay mudadii lixda sanno ahayd, waa ilaa wakhtigii madaxwayne Riyaale. waxaan u mahadnaqayaa madaxwaynaha Mudane Ahmed Maxamed Siilaanyo oo aan la soo shaqeeyay intii xilka aan hayey. Waxaana ugu baaqayaa inuu cadaalada ogoaado

Waxaan u Mahad celinayaa dhamaan intaanu soo wada shaqaynay Waxaan u shaqayn doonaa xujaajta intaan noolahay”

 

Axmed Safiina waxa uu ka shaqaynayey arrimaha xajka intii xukuumaddan Kulmiye jirtay oo lix sanno ah, waxaannu dadka Somaliland ee xajka ugu adeegi jiray ugulana shaqayn jiray isaga oo ah sarkaal xukuumadda Somaliland matalaya.