Wakaaladda Horumarinta WadooyinkaSomaliland oo Bilawday wejigii labaad eewadada isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh

Wajaale (  SLpost   )-Wejigii 2aad ee dhismaha jidka laamiga ah ee isku xidhaya Degmooyinka Kala-baydh illaa Wajaale eegobolka Gabiley ayaa Salaasadii ina dhaaftay si rasmi ah loo dhagax dhigay, kadib markii farta laga qaaday wejigii 1aad ee wadadaas.

waddo wajaale

Dhismaha jidkan oo dhererkiisu dhan yahay 18Km (Siddeed iyo Toban Killo-mitir) waxa gacanta ku haysa Wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland ee RDA waxa hore loo dhammeeyey 6Km oo ka mid ah, halka wejigan labaadna la qorsheeyey in la bilaabo 5Km oo socon doona illaa bishan aynu gudo galnay ee Novermber. Iyadoo dhinaca kalena la saadaalinayo inta hadhay  dhammeystirka wadada ay kaalintooda ka qaataan bulshada gobolka Gabiley oo loo soo jeediyey inay guntiga dhiisha iskaga xidhaan sidii ay uga dhabayn lahaayeen qabyo-tirkeeda.
Warbixin Wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland ka soo saartay qorshaha ay u dejiyeen dhismaha wadadan ayaa faahfaahiyey saamiyada ay u kala qaybiyeen qaybaha bulshada iyo dawlad ahaan saamiga kaga soo hagaagay. “Wadadan oo dhererkeedu yahay siddeed iyo toban kiilloo Mitir, toban ka mid ah waxa ballan qaaday Dowladda, laba Kiiloo mitirna waxa ballan qaaday Golaha degaanka Gabilay, lixda kalena waxa ballan qaaday xubno ka mid ah Wasiirrada iyo xildhibaanada Gobolka Gabilay” sidaa waxa yidhi Muuse Yuusuf, oo ka mid ah  La-taliyeyaasha Wakaaladda RDA oo waqtiga uu warbixintaasjeedinayay ku sugnaa jidka dhismihu ka socdo ee u dhexeeya Wajaale iyo kala-baydh.waxaanu intaa ku daray “Waxa immika dhammaad ku dhaw tobankii killo miter ee xukuumadda iyo hal kilo miter oo Maayarka Gabilay Bixiyay, markaa waxa hadhsan hal kilo miter oo ku hadhsan Golaha Degaanka Gabilay iyo lixdii ay ballan qaadeen Wasiirrada iyo xildhibaannada Gobolku, markaa waxaan u sheegayaa inay dhan tahay intii ay Dowladdu ballan qaaday, waxa la sugayaana ay tahay intii ay reer Gabilay ballan qaadeen, markaa waxaan leeyahay waa in lagu dhaqaaqo oo ay fuliyaan ballanqaadkooduu intaanu qalabka wadada lagu dhisayaa aanu kala tegin oo wakhtiga laga faa’iideeyo, dadweynaha, Ganacsatada, Tijaarta iyo siyaasiyiinta Gobolka iyo madaxdana waxaan leeyahay wadanka waxa ka socda wax wada qabsi ka dhexeeya Dowladda iyo Bulshada, markaa reer Gabilay waa inay dhankooda wixii ku xidhan soo dhammeeyaan si wadadii u dhammaystiranto.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Wadadan isku xidha Wajaale iyo kala-baydh ayaa ah wado halbawlo u ah isku xidhka laba dal ee Somaliland iyo Itoobiya, dhismaheedana lagaga raysan doono waxbadan ooh ore ay dhibi uga soo gaadhi jirtay dadka ganacsatada ah ee u kala goosha labada dal, kuwaad oo dhibaato badan kala kumi jiray wakhtiyada roobabku ay ka da’ayaan degaankaas.
Somalilandpost.net
Wajaale