WAJAALE: Khasaare ka dhashay Dab-xooggan oo demintiisa Gacmaha loola tagay iyo Shacab ka gadooday Adeeg la’aanta Maamulka degmada iyo Xukuumadda

Tog-wajaale (SLpost)- Meherado ganacsi oo iyo guryo tiro-badan, ayaa ku shuf-beelay dab xooggan oo maanta ka kacay badhtamaha faras-magaalaha Xarunta ganacsi ee magaalada Tog-Wajaale oo ku taala xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu dabkani khasaare xooggan u geystay goobo ganacsi iyo guryo xaasas leeyihiin oo goobta dabku ka kacay ku ag-yaala.

wqDabkan oo Barqadii saaka bilaabmay, ayaa ku fiday meherado tira badan, waxaana demintiisa gurmad ka galay dadweynaha magaalada iyo maamulka adeegyadiisu taagta daran yihiiin ee degmada Wajaale, kuwaas oo gacmahooda ula tagay bakhtiinta dabka oo dadweynuhu la tacaalayeen ilaa Duhurkii maanta.

Sida ay ku soo warramayaan wariyeyaasha ka hawl-gala magaalada Tog-wajaale, dabkan oo hawl-galka xakamayntiisu socotay ilaa saddex saacadood, waxa ku shuf-beelay ilaa 20 Guri oo isugu jira Meherado ganacsi iyo guryo xaasas leeyihiin. Haseyeeshee, ilaa hadda lama hubo khasaaraha rasmiga ah ee dabkaasi geystay iyo inay dad wax ku noqdeen.

togwajaaleMagaalada Tog-wajaale oo an xarun ganacsi oo isku-xidha labada waddan ee Ethiopia iyo Somaliland, ayaan lahayn haba-yaraatee wax demis ah, waxaana dab-demis ugu dhow magaalada Gabiley oo dhowr iyo Soddon KM u jirta, arrintaas oo sababtay in hawl-galkii dadweynuhu kula tacaalayeen dabka uu mar kaliya isku beddelo mudaharaad shacabku kaga dareen-celinayeen adeeg-xumada maamulka degmada iyo mid lagaga soo horjeedo Xukuumadda, ka dib markii lagu guulaystay xakamaynta dabka.

wajaleDadweynahan ayaa intii ay bannaan-baxa ku gudo-jireen, ku dhawaaqay kalmado ay ku dhaliilayaan maamulka degmadaoo ay ku eedeeyeen inaanu sidii loogu baahnaa uga qayb qaadan gurmadka lagu xakamaynayey masiibada dabkaasi ka dhalatay, waxaanay ku doodeen in laga qaado cashuurta ugu badan ee ay ganacsatadu soo xerayso laakiin aan waxba loogu qaban.

Dadweynaha mudaharaadka dhigay qaarkood, ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ku dhaliilayeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Halkan Ka Daawo

SOMALILANDPOST.NET