Waftigii Madaxweynaha Oo Kullan Balaadhan La Yeeshay Jaaliyadda Ku Dhaqan Dalka Ireland

 

Dublin(SLpost)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Jaaliyada Somaliland eek u dhaqan Wadanka Ireland.

 

Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo booqasho ku jooga dalka Ireland, waxay munaasibad ballaadhan la qaateen bulsho weynta Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Ireland.

 

Jaaliyada ku dhaqan dalka  Ireland oo laga dheehanaayay jeelka Wadaniyadeed ee ay u qabaan Madaxda Somaliland la kulan keeda, waxaa kulan kaas ka soo qayb galay Dadweyne tiro badan oo isugu jira Waxgarad, Haween iyo dhalinyaraba.

 

Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta, Caafimaadka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynaha ku wehelinaayay Safarka ayaa Jaaliyada hadalo u jeediyay, Waxayna ugu xogogaal warameen Xaalada dalkii hadda maraayo iyo Safarka Waftigu ku yimi Dalka Jamhuuriyada Ireland, kaas oo ay ku tilamaameen in midho dhal fiican ay isla gadheen Dawladda Ireland.

 

Gebo Gebadii Xaflada Waxaa hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) Madaxweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad naqay soo dhawaynta ballaadhan ee ay Jaaliyada Ireland ku qaabileen Waftiga uu hoggaaminaayo.

 

Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Somaliland, sheegay inay dadaal ugu jiraan goob kastana u marayaan sidii Qaranka Somaliland u gaadhilahaa una helilaha aqoonsiga beesha Caalamka, wuxuuna Madaxweyne Axmed Silaanyo ugu baaqay guud ahaan Shacbiga debadda ku dhaqan iyo kuwa gudaha dalkii joogaba inay isku duub nadaan una midoobaan danta dalkooda.

 

 

Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigii uu hoggaaminayay oo maal mihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Ireland oo ay booqasho rasmiya ku jogeen, waxaa maanta u soo dhammaaday kulamadii kala duwanaa ee ay la lahayeen Madaxda Xukuumadda Ireland, waxaana la filayaa in Waftiga Madaxweynuhu uga sii gudbaan dalka Ireland dhinaca Waddanka Ingiriiska.