Waftigii Imaaratiyiinta Ahayd Oo Gacan-libaax iyo Buuralayda Lagu Martiqaaday

????????????????????????????????????

Saaxil(SLpost)-Weftigii ka socday Dawlada  Imaaraadka Carabta ee Shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Berbera ayaa maanta kormeer ku soo maray Deegaamo ay ka mid yihiin Sheekh, iyo Tuulooyinka hoos yimaada, iyaga oo uga sii gudbay dhinaca Buurta Gacan libaax oo ay weftigan uu hogaaminaayey Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadku ay ku lahaayeen Casuumad qado sharaf ah oo ay ugu talo gashay Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyagu weftiga kormeer ku geysay goobo muhiima oo ay ka mid yihiin seerayaal ay si weyn isaga kaashadeen Wasaarada Deegaanka iyo Hay’adda Candlelight iyo Buurta taariikhiga ah ee Gacan libaax, waxa kale oo ay soo kormeereen dhismayaal qadiimi ah oo la sheegay in Ingiriisku dhisay 1952kii. waxa isna ka mida ahaa masuuliyiinta weftiga soo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Mudane Keyse Guray.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

 

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 Kormeerka maanta oo ahaa mid ay ugu kuurgelayeen weftiga imaaraadku inay xogogaal u noqdaan xaalada guud ee deegaamada gobolada Saaxil iyo Maroodijeex, waxaanay halkaasi kala kulmeen soo dhawayn balaadhan oo ay u sameeyeen masuuliyiinta iyo dad weynaha ku dhaqan deegaamada  Sheekh, Tuulooyinka iyo degmada Go’da weyn.

weftiga oo uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee loo sooryeeyey loogana caawiyey inay indhaha ka soo qaadaan deegaamadaasi ayaa u soo caraabay dhinaca magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.