Waftiga Madaxweynaha Somaliland Oo Ireland Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey

Dublin-(SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay dalka Ireland, waxaana garoonka caalamiga ah ee caasimadda Dublin ku soo dhaweeyay  masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda ee Ireland, Xubno ka tirsan safiirada Somaliland iyo La-taliyaal. Sidoo kale waxaa waftiga madaxweynaha si weyn u soo dhaweeyay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ireland.12076927_10153646728403535_1701002627_n

 

Waftiga uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo, waxa xubno ka ah. Wasiirka arrimaha debadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Madaxtooyadda iyo marwada koowaad ee qaranka. waxaana la filayaa inay kulamo la yeeshaan madaxda ugu saraysa dalka Ireland.12077022_10153646729278535_201142104_n

 

Sidoo kale waftiga madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminaayo Waxaa la filaaya inay kulan la qaataan Jaaliyada ku dhaqan dalka Ireland.