WADO XUMADA WADANKA, WADE XUMAYAASHAA KA DARAN!! Yasmin Omar Hadrawi

Marka hore waxaan tacsiyadaynayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii ku naf waayey shilkii xooganaa ee naxdinta lahaa dhawaana ka dhacay gabeedka jidka u dhexeeya Hargeysa ilaa Togwajaale, Intii naftoodii ku wayday Naxariis ta EEBE ayaan u baryayaa qabriga Allahaw NUURO oo Janadii Firdows Allahaka waraabiyo,intii ku dhaawacanyana Allaha caafiyo.

Intaa kadib waxaan jeclaystay inaan dhacdadan darteed uga hadlo dhibta ay dadka ku hayaan gaadiidlayda dalkeenu iyadoo badiyaa ay gaadiidka wadaan dad aan aqoon badan ama khibrad u lahay wadida nooca gaadhiyada loo dhiibayo ama ay iyaguba leeyihiin, halis wayna ay ku yihiin dadwaynaha kuwa ay sidaan iyo kuwa ay wadada la marayaanba, maaha qofku inuu gaadhi iibsan karo dabadeed uu wadooyinka ku soo dhex dhaco. Masuuliyadu intaa way ka wayn tahay barasho iyo miyir baa loo baahan yahay,kii afarcisho la tusayba dareewal maaha dee, oo inuu intuu gaadhi yeesho oo dad ku raro, masaa’iib uun bay taasi keenaysaa! Waan ognahay oo hada wadankeena waxa ku badan gaadiidka lagu shaqaysto sida taxi yada basaska,nooca Noahda,booyadaha,iyo kuwa xamuulada waawayn qaadaba.Nasiibdarrada hadaba daba socota ayaa waxay tahay gaadiidkan inaan dadka wada intooda badani aany xirfad dareewal nimo lahayn dad masuulana aanay ahaynba.

Cid hoos u eegta iyo hay’ad baadhaana jirin wax Sharci ah, ama ruqsado gaar ah kana duwan kuwa dadka iyagu iskood gaadhiyada u isticmaalaa haystaan aanay jirin. Lagana eegin waxay qaadaan inuu ku haboon yahay gaadiidka, noocay wataan,iyo wuxuu qaadi karo haduu yahay rakaabsade iyo hadii uu yahay gaadhi xamuul.Miyaanay ahayn inay yeeshaan liisano gaara? Hadayse leeyihiin mala eegaa, in wadahu wato liisankii gaadiidka uu wado ku haboonaa? Mise mid uun bay u wada isticmaalaan?

 Waxa iyaguna jira in kii yaraa ee shalay kirishboyga ahaaba maalintuu rabo isaguba gaadhigii waynaa xamuula kaxeeyo oo looga baydho! Waxa iyana jirta oo arrin muhiimana ah in aan mugoodaba la xadayn oo ninba siduu rabo gaadhigiisa u raro haday tahay alaabta, ama dadkaba. Waxa jira in suuqa Hargeysa lagu raro Taxi yada yaryar alaabtii iskarogooyinka ama gaadhi ximaaradu qaadi jireen, oo ka wadaa aanu arkaynba wax ka horeeya iyo wax ka dambeeya midna,taasoo halis ku ah gaadiidkii kale iyo waliba dadkii wadooyinkaa marayey.

Hadaba iyadoo dhibaatooyinka noocana ee aan kor kusoo xusay, iyo kuwo kaleba soo noqnoqnayaan ayaanad arkayn in wasaradii iyo masuuliyiintii shaqadani khusaysay, aanay maarnaba sharci addag oo meelmara ka soo saarin! Afar cishaa la hadalhayn, barrina halkii baynu ku soo noqonaynaa,naf baxaysa la celin maayo oo taasi mawduucayga maaha, Laakiin waxa haboon in ciidanka wadooyinka lagu tababaro laguna adkeeyo inay sharciga u fuliyaan dadwaynahan ay shaqada u hayaan xaquuqdoodana ilaaliyaan.

Halka gaadiikani ka boxo ama ka soo galo waa controolo ay taagan yihiin dadkii shaqadan eegi lahaa gaadhiyadan dadka u raraya sida xoolaha ee ilaa halkii loogu talo galay alaabta in lagu rito kiraynaya ee dadku guraya, iyo kuwan xamuulka ee aad moodo gaadhi gaadhi sida, ee tankoodii la dhaafiyay ee haday yara ciiraan aan soo kala hadhayn, halkay sharciga ka dhaafeen waa su’aale?

 Tusaale waxa kuugu filan gaadhigii waaraadka ahaa ee isagoo cirka lagu soo shiraacay Hotel Guulleed hortiisa sadex casho ka hor ku dhacay, Gawaadhidaasi noocaas u rarani markay magaalada dhex marayaan inan yarbaa korkooda fuushan oo qori dheer sita si uu xadhkaha laydhadhka kor ugaga qabto!

Waa halis sideeda ahe! SHARCIGII MEE? Soomaalidu waxay tidhaa “BALAAYO MADAX LAQABTAY LEEDAHAYE MIJO LA QABTO MALAHA”. Dadwaynahuna mid bay u baahan yihiin inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan gaadhiyadan ay isku cidhiidhinayaan! Waxa jirtay in xili aan xoogba u fogayn oo bilo laga joogo gaadiidkan yar yar ee bajaajka la yidhaa isagoo rakaab sita ay bus isku galeen galbeedka Hargeysa buurta kala jeexan oo dad ku dhaawacmeen! mataqaan bajaajkaasu intuu siday 8 qof! Intuu le’eg yahayna waala wada yaqaan, dadwaynuhuna dhibta waxaad moodaa in aanay ka fekerin waayo haday diidaan,oo aanay degdegin kamay faa’iidaysteen kuwan rarayaa.Maxaa la odhan jiray “Haday degdesiimo doortahy,kaatsiimona kiish lacagay dhalaan”

Waxaan kale oon jeclahay inaan qoraalkaygan ku xuso,inkastoon wado marid iyo gaadiid wax ka qorayey maanta, hadana waa arrin aan dhacdadii dhawayd ay igu dhalisay inaan wax ka taabto. Waa arrin foolxun oo wadankeena ku soo kordhaysa ah in ay jirto marka shil dhaco ee meeshaa dhimasho iyo dhaawacba la noqdo inay dadka goobahaa ugu hor yimaadaa qaarka mida ahi ku mashquulaan in ay sawiro ka qaadaan oo baraha lagu kulmo soo gashaan sida FACEBOOK ga maydkii oo wadhan “Subxaanallah”

Waa arrin foolxun oo Diinteena iyo Anshaxii bani aadamnimoba ka fog mayd sawir lala daba socdo. Qofka hadii naftu dhaafto ood karaysid markaa maro u raadi oo ku dad. Xaq maaha in sawiradoodii dadkii maydka ahaa, marba qof sii SHARE gareeyo. Aynu iska waanino oo iska wacyi galino wixii khayrku ku jiraa ajarkuna ku jiraa. Intaasu waa iga waanee,Culimaduna dadka haka wacdiyaan inaan wax yaabaha caynkana la caadaysan.

Waxaan ku soo xidhayaa qoraarkaygan maanta, Wado xumoda wadanka, Wade xumayaashaa ka daran e, xal haloo helo oo halaynaga xadeeyo.

Yasmin Omar Hadrawi

Ysmi_hadrw’yahoo.com