Waddanka Imaaraadka Carabta oo Tabobarro iyo Saanad Milatari ku caawinaya Ciidamada Somaliland

Dubai (SLpost)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay tababarro iyo Saanad Milatari ku caawiso ciidamada Somaliland, taas oo qayb ka ah Heshiis dowladda Somaliland la gashay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, arrintan ayaa qayb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera, sida uu sheegay sheegay madaxweyne Muuse Biixi.

2Madaxweyne Muuse Biixi ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dubai u sheegay wakaaladda wararaka Reuters in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan ciidamada Booliska iyo Militariga Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood.

Dowladda Imaaraadku kama hadal arrintan, hase ahaatee waxa ay ku adkeysanayaan in ay Boqolaal Milyan oo Dollar ku maalgelinayaan sanadaha soo socda dhismaha Saldhigga oo qaadanaya muddo hal sanno ah.

Sida ay wakaaladdu baahisay, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo goobta Madaxweynaha lagu waraysanayey joogay, ayaa mar la weydiiyey ka gaabsaday tirada ciidamada Imaaraadka ee ka hawl-geli doona saldhigga Milatari.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa rejo ka muujiyay in maalgashiga Imaaraadka oo uu ku jiro Ballaadhinta Dekedda Berbera, Dhismaha Garoon Diyaaradaha ah oo cusub, Dhismaha waddo isku xidhaysa Berbera iyo Ethiopia ay soo kordhin doonto fursado shaqo, isagoo xusay in wer-werka ugu weyn ee xukuumaddiisa haysataa tahay  shaqo la’aanta dhalinyarada.