Waddani oo Munaasibad laysku Arkay ugu dabbaal-degay Guushiisa Xisbinimo

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa maanta munaasibad ballaadhan ugu dabbaal-degay guushiisa xisbinimo ee uu ka soo hooyey doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii hore dalka ka qabsoontay.

Munaasibad ballaadhan oo laysku arkay ku Qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaai, guddoomiye ku-xigeenka Axmed Muumin Seed, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, Golaha Dhexe  iyo Guddida Fulinta ee Xisbiga iyo Taageerayaal tiro badna oo buux-dhaafiyey Hoolka weyn ee Hotel Maansoor.

waddaniSidoo kale, waxa munaasibaddan ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaha Guud ee Xisbul-Xaakimka, Shirguddoonka Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada iyo xubno kale oo ka tirsan Xisbiga Muxaaradka ah ee Kulmiye.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Waddani Saalax Maxamuud Idiris (Shiine), waxaanu soo dhaweeyey Xisbinimada uu Xisbigaasi ugu soo gudbay ka mid noqoshada 3 xisbi qaran ee hagi doona loollanka siyaasadda dalka 10-ka sanno ee soo socda.

waddani (2)Xasan Xuseen Codyare oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani oo munaasibadan ka hadlay, ayaa sheegay in guud ahaan gobollada dalka iyo waddamada dibadda looga dabaal-dagayo guusha xisbiga Waddani, “Gobolada dalka iyagana waxa looga dabaal dagayaa guusha xisbiga, sidoo kale  waddamada dibada iyagana waa looga dabaal dagayaa guushan, dhammaana waxaan leeyahay taageerayaasha xisbiga Waddani waan idin hanbalyeynayaa, xisbiga Waddani waa mid mucaarid ah, waana ka ugu balaadhan ee dalka ka jira,” ayuu yidhi Cod-yare.

WADANIXoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde oo isaguna ka hadlay munaasibadan, ayaa sheegay in xisbiga Waddani soo maray jid dheer oo uu ka soo gudbay, “Maanta waa maalin wayn oo xisbiga Waddani u dabbaal-dagayo guushii uu ka soo hoyey doorashooyinkii dalka ka dhacay,waxaanu ka mid noqday sadexda xisbi ee dalka ka jiri doono tobanka sano ee soo socda, waxaanan u hanbalyeynayaa dhamaan musharaxiintii ka qayb galay doorashadii golaha deegaanka kuwii soo baxay iyo kuwii aan soo bixin ee ka tirsanaa xisbiga Waddani. Waxaanan u mahad naqayaa dadkii kaalinta weyn ka qaatay sidii uu xisbiga Waddani uga soo bixi lahaa doorashada golaha deegaanka,” ayuu yidhi Md Uur-cadde.

waddaniGudoomiyaha garabka haweenka ee heer xisbiga Waddani, Marwo Sucaad Cabdillaahi Xasan oo madashaas ka hadashay, ayaa  sheegtay inaanu Xisbiga Waddani jaranjaro danaha gaarka ah lagu gaadho ka dhigan doonin taageerayaashiisa haddii uu Ilaahay ku guuleeyo kursiga xanafta badani ka sokeyso ee Madaxweynaha.

Waxaa iyana halkaa kaa hadashay Xildhibaan Faadumo Cali Madar oo ah mudane ka tirsan Golaha deegaanka ee dalka Norway waxaanay hanbalyo u dirtay Madaxweynaha Somaliland,ciidamada qaranka iyo kuwa nabad-galiyada, waxaanay xustay inay beesha caalamku Somaliland ku hanbalyeeyeen doorashadii ka dhacday Somaliland.

waddani3

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka Xisbi ahaan Waddani ku soo dhaweynayaan saaxadda ciyaarta siyaasadda Somaliland, “waxaan ku faraxsanahay inuu Xisbiga Waddani ku soo biiray xisbiyada qaranka waxaanan diyaar u nahay inaanu ku soo dhaweyno ciyaar hufan iyo tartan xalaal ah inaanu garoonka ciyaarta ku wada tartanno,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

kulmiyeWaxaa isaguna madashaasi ka hadlay Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlayey magaca Sulaadiinta Somaliland waxaanu sheegay doorashooyinkii ay Somaliland horey u soo martay inay tani ka duwanayd iyada oo waxbadan oo aan doorashooyinkaasi  soo marin ay tani xanbaarsanayd.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo isaguna madashaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn salaan iyo hanbalyo u diray dhamaan u tartamayaashii soo baxay iyo ku wii dhacay ee Xisbiga, “waxaan u mahad naqayaa cidkasta oo iska soo sharaxday Xisbiga Waddani kuwii soo baxay iyo kuwii aan soo bixin labadaba,” ayuu yidhi Mr Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, waxaanu intaas ku daray, “Maanta waxaanu u fadhino ee aynu u dabaal dagaynaa waa codkiinii aad siiseen Xisbiga waddani. Guusha Waddani waxay ku timid codkiina ee iskay iman, waxaanan u mahad naqaynaa dhammaan degmooyinka Somaliland oo dhan iyo Goballada dalka oo dhan.”

waddani (1)Dhinaca kale, waxa uu bogaadiyey labada Xisbi ee kale ee la soo baxay ee Kulmiye iyo UCID,  “Waddani dadkii codka siiyey waxay ahaayeen dadku dhaw 165 kun oo qof,” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray, “baryabaaha dadku waxay is waydiinayeen Waddani ma mucaaradbaa mise waa muxaafid balse waxaan idiin sheegayaa inaanu nahay Xisbi mucaarad ah,” ayuu yidhi Mr Cirro.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu soo qaaday, “Madaxweyne Siilaanyo waa saaxiibkay Gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi oo halkan inala fadhiya waxaanu nahay saaxiib,” ayuu yidhi.

SOMALILANDPOST.NET