Waddani iyo Garabkii Kulmiye Ka Soo Cadhooday Oo Wadahadal U Furmay iyo Boobe Oo Dhankiisa Wasiiradii Ay Is Hayeen Waddani u Faaruqiyay

Hargeysa(Slpost)-Waxa maanta kulan balaadhan oo wada hadal ah uu dhex maray xisbiga Waddani iyo garabkii isbadaldoonka ee xisbiga Kulmiye ka soo go’ay.

Labada dhinac ayaa isla afgartay sida warar xoggaal ah sheegayaan gudi shan xubnood ah in qolo waliba ay soo saarto, waxaana wadahadalku uu sii socon doonaan maalmaha soo socda.

wadaani

wadani iyo kulmiye

Inkasta oo aanay soo baxin waxyaabo ay isla gaadheen labada dhinac hadana waxa muuqata in is afgaradka labada dhinac uu meel wanaagsan maraayo, waxaanay tani ku soo beegmysaa iyada oo uu is casilay isla maanta xoghayihii warfaafinta ee xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale oo laga yaabo in is casilaadiisi ay salka ku haso garabkan Kulmiye oo wasiiro u badan horena ay isku jiidheen.

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland