Waddamada ku teedsan badweynta Hindiya oo looga Cabsi qabo inay ku dhufato Duufaanta Sunaami iyo Muqdisho ka mid ah meelaha laga yaabo inay Saamaynayso

Jakarta, 11 April, 2012 (SLpost)- Laba Dhul-gariir coo abbirkiisu ku dhow yahay kii sannadkii 2004 sababay masiibadii Tsunami ee halaagtay dalal badan oo ku yaala Bariga adduunka ayaa ka dhacay dalka Indoonisiya kaas oo lagu wado inuu yeesho saamayn la mid ah ama ku dhow tii sannadkaas dhacday oo waxyeelladeedu soo gaadhay dalka Soomaaliya.

Labadan dhul-gariir oo cabbirkoodu kala ahaa 8.6 iyo 8.3 Qiyaaska dhul-gariirka,waxa markiiba laga bixiyey digniin loo jeediyey dalalka Kulaala badweynta India, waxaana la arkay dadka ku nool gobolka ugu dhow dalka Indonesia ee Aceh oo 270 Mayl u jira Xuddunta dhul-gariirkii sannadkii 2004 dhacday oo qiyaastiisu ahay 8.7 cabbirka Dhulgariir, oo dadkii ku nool ayaa u qaxayaan dhanka buuraha iyaga oo ka baqaya inay soo noqoto masiibadii sannadkaas.

Digniinaha ay bixinayaan khubarada deegaanka ayaa tilmaamaya in mawjadaha uu dhul-gariirkani sababo ay wakhtiyada soo socota saamayn ku yeelanayaan dalalka kulaala badweynta Hindiya, gaar ahaan dalka Soomaaliya magaalo-madaxdiisa Muqdisho ay mawjaduhu soo gaadhayaan, 16:58 (7:58 PM Afrikada Bari) sida ay saadaashu sheegayso.

Dalalka kale ee ku teedsan badweynta Hindiya ee digniintani ay saamaynayso waxa ka mid ah India, Sri Lanka, Australia, Burma, Thailand, the Maldives and other Indian Ocean islands, Malaysia, Pakistan, Somalia, Oman, Iran, Bangladesh, Kenya, South Africa and Singapore.

Dhul-gariirkani waxa uu ku soo beegmay wakhti uu raysalwasaraha Ingiriiska David Cameroon booqasho ku joogo magaalo madaxda dalkaas ee Jakarta oo 1,600 mayl dhanka Koonfur-Bari ka xigta gobolka Ace.

Waxa jira baqdin laga qabo inuu mar labaad ku dhufto gobolkaas dhul-gariir la mid ah kii todoba sanno ka hor ay ku dhinteen 230,000-ka ee qof kaas oo cabbirkiisu ahaa 9.1 magnitude, waxaanay dadkan badankoodu ku noolaayeen gobolka Ace ee dalka Indonesia oo ka tirsan jaziiradda Sumatra.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net