Waddamada Afrika Oo Ka Shiraya Ka Hortagga Xag-jirnimada

Nairobi, (SLpost)- Madax ka kala socoto 22 dawladdood oo Afrikaan ah iyo 16 waddamo kale ka socda ayaa maanta ku kulmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay uga arrinsadaan qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo xagjirnimada ka jirta qaaradda Afrika.

Kenya ayaa waxa saaran cadaadis ah inay ka hortagto weeraro kaga imanaya kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Kulankan oo Mareykankuna uu taageerayo ayaa waxa uu daba socdaa mid horee uga dhacay Washinbgton bishii February ee sannadkan.

Inta badan waddamadai ku lug leh shirkani ayaa waxay wajahayaan halis gudaha ah oo kaga imanaya kooxo xag-jir islaamiyiin ah.

Waddamadani Afrikaanka ah ayaa hadda kordhinaya kharashaadka ay ku bixiyaan arrimaha gaashaan-dhigga si ay uga hortagaan halistani isa sii taraysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Nkaissery ayaa sheegaya in kulankani uu horseedi doono qaab midaysan oo waddamadani ay kaga hortagayaan in la duufsado dhalinyarada, isla markaana laga dhaadhiciyo fikrado xag-jirnimo.

Nkaisery waxa uu intaasi ku daray in Kenya oo iyadu marti gelinaysa shirka ay doonayso inay kulankan ku soo bandhigto qaababka ay ula dagaalanto kooxo ay ku tilmaameen inay yihiin cadow, qaababkaasi uu sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono inta uu socdo shirka maanta furmaya.

Midowga Yurub ayaa laamaha amniga ee waddamada Bariga Afrika waxa uu siinayaan taboibaro dhanka ka hortagga argagixisada ah, si loo tayeeyo dalalkan, isla markaana waddamada gobolku ay iskaga kaashadaan baadhitaanada iyo maxkamadeynta shakhsiyaadka ku lugta leh arrimahaasi.

Dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xaquuqda aadamaha ayaa sheegaya inay habboon tahay in si weyn loola socdo hab-dhaqanka ciidamadani si looga ilaaliyo inay ku xad gudbaan xuquuqda aadamaha xilliyada ay fulinayaan hawlgalada ammaanka, isla markaana looga hortago inay faquuqaan bulshooyin ka caawin lahaa dhanka mukhaabaraadka.

Somalilandpost.net