Wadanka Britain Oo Laga Helay In Lagu Dhex-daro Hilibka Fardaha cuntooyin lagu sameeyo

London(SLpost)  Waxa beryahan dambe soo badaneesay hadal haynta in hilibka fardaha lagu iibiyo dukaamada hilibka ee wadanka Britain. Arintan ayaa cirka isku sii shareertay kadib, markii shirkad ka mida shirkadaha ka ganacsada cuntada hilibka laga sameeyo ay si toosa u qiratay in cuntada ay soo saarto uu ku jiro hilibka farduhu.

Shirkada Findus oo ka mida shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya cuntooyinka laga sameeyo hilibka ayaa sheegtay in 18 ka mida cuntada ay soo saarto ee loo yaqaan ” beef lasagne products’ ay 11 ka mida ku jiro hilibka farduhu.

Wasiirka cuntada ee dalka Britain ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan isla markaana aanay daadin hilibka ugu jira talaagadaha, ilaa inta war dheeraadi kasoo baxayo. Mr David Heath ayaa mar uu la hadlaayay Television ka BBC da u sheegay dadweynaha inay sii wataan cunista iyo iibsashada hilibka caadigaa.

Hay’ada qaabilsan ilaalinta iyo cabirka heerka cuntada ee dalka Britain ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan FSA ayaa sheegtay inaanay jirin sabab caafimaad oo arintan looga shakiyo, isla markaana sidii caadiga ahayd loosii wato ka adeegashadii laga adeegan jiray dukaamada hilibka.

Xisbiga mucaaridka ee Labour party ga ayaa dalbanaya in arintan ay boolisku soo fara geliyaan, oo baadhitaan intan hada ay sameesay hay’ada cuntadu ka badan la sameeyo.

Isku soo wada duuboo arintan ayaa walaac ween ku abuurtay dadka wadanka Britain, iyadoo shaki iyo sas weyn laga qaaday  cunista Hilibka.